berberatoday.com
Diyaarad Siday 538 Ruux Oo Gurmad Deg Deg Ah Loogu Sameeyay Garoonka New York Iyo Sababta
September 6, 2018 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Saraakiisha ayaa sheegay in toban iyo sagaal ruux ay xanuunsadeen ka dib markii diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates airline ay ka caga dhigatay garoon ku yaalla magaalada New York.

Diyaaraddan ayaa lagu karantiilay garoonka JFK.

Diyaaraddan ayaa lagu karantiilay garoonka JFK, waxaana rakaabkii saarnaa ay dhaqaatiirta ku sameeyeen baaritaanno caafimaad. Toban iyo kow qof oo ka mid ah dadkaas ayaa loo qaaday isbitaalka halka inta kalena ay diideen daweynta.

 

 

Duullimaadka oo ku ekaa magaalada New York ayaa ka soo kicitimay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta.

Laanta ka hor tagidda iyo koontaroolka cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa sheegtay in markii hore 100 ruux oo ay ka ku jiraan qaar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ay ka cawdeen xanuun.

Duullimaadka diyaaradda oo uu lambarkiisu ahaa 203 ayaa garoonka magaalada New York gaadhay saacaddu markii ay ahayd 09:10 (13.10 GMT), iyadoo ay saarnaayeen 521 ruux oo rakaab ah iyo 17 shaqaale ah.

Gawaadhida gurmadka deg-degga ah ayaa lagu arkayay hareeraha diyaaraddaas isla markii ay caga dhigatayba.

Fannaanka Mareykanka ah ee Vanilla Ice oo saarnaa diyaaraddaas ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay muuqaal uu ka soo duubay xaaladda markaas taagneyd.

Wax yar ka dib shirkadda Emirates airline ayaa twitter-ka ku soo qortay in rakaabka xanuunsaday loo fidiyay gargaar caafimaad kuwa aysan saameynta gaarinna la fasixi doono.

Bill de Blasio oo ah Af hayeen u hadlay barasaabka magaalada New York ayaa sheegay in qaar ka mid ah rakaabka diyaaraddan ay markii hore ka imaadeen magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, halkaasoo hadda uu ka jiro harkab ka dillaacay intii ay socotay gudashada acmaasha xajka oo ay dhawaan ka qeyb galeen malaayiin qof oo ka kala socotay caalamka.

Astaamaha xanuunka hargabka ayaa laga arkayay dadka la socday diyaaraddaasi oo ay isugu darsameen qufac iyo qandho.

Warbaahinta ABC News ayaa soo tabisay in duuliyihii diyaaraddaas uu diray qeylo dhaan gurmad loogu dalbayo rakaabka xanuunsanaa.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews