Ujeedada Hawl-gal Ciidanka Dab-Demisku Ka Fuliyeen Qasriga Madaxtooyada Somaliland
September 6, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Dab-demiska JSL ayaa shalay hawlgal hal maalin ah ku fuliyey xarunta Madaxtooyada Somaliland oo ah xarunta xafiiska dalka looga arrimiyo ee uu ku shaqeeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sidaana waxa lagu cadeeyey war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, waxaanu u dhignaa sidan:-
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxilli iyo masuuliyiinta waaxda farsamada, Tababbarada iyo Wacyigelinta Bulshada ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay xarunta madaxtooyada Somaliland.