berberatoday.com
Akhriso Warsaxaafadeed Madaxtooyadu Kasoo Saartay Sababta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Uga Qeyb Gali Waayey Qalin Jabintii Ardeyda Jaamacada Burco
September 7, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-War Saxaafadeed laga soo saarey xafiiska madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa lagaga Hadley sababta uu madaxweyne Muuse Biixi uga qeyb gali waayey qalin jabinta ardeyda Jaamada Burco.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in sababta uu madaxweynuhu uga qeyb gali waayey ay tahay kadib markii lagu soo casuumi waayey

 

 

Halkan Hoose Ka Akhriso War Saxaafadeedka

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad ee loo qabto munaasibadda qalin-jebinta.

Hambalyadaa ka dib waxa aan Ardayda iyo waalidiinta u cadaynayaa haba-yaraatee in aanay jirin cid madaxweynaha soo gaadhsiisay marti-qaadka Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa cid kasta oo filaysay inuu madaxweynuhu kala qayb-galo munaasibadda qalin-jebinta Ardaydaasi in aan Madaxweynaha la soo gaadhsiin marti-qaadkii qalin-jebinta Jaamacadda Burco oo masuuliyada marti-qaadku saarnayd maamulka jaamacadaas.

Marti-qaadyada Jaamacaddaha dalku u fidiyaan madaxweynaha ee ka qayb galka munaasibadahooda waxa lagu wargeliyaa maalmo ka hor Waxaana masuuliyada qaladkaasi dusha ka saaran yahay maamulka jaamacadda Burco oo aan iyagu marti-qaadka munaasibada aan soo gaadhsiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, ee ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta jaamacadda Burco, wuxuu safar u gaara oo la xidhiidha shaqadiisa ku marayey gobolada bariga Somaliland.

Ugu danbayn waxa madaxweynuhu ardaydaas qalin jebisay u rajaynayaa inaay noqdaan kuwii dalkooda diintooda iyo dadkooda ku anfaca cilmigaa ay barteen.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews