berberatoday.com
Cristiano Ronaldo Oo kiis Kufsi Loo Haysto Iyo Qareenkiisa Oo Ka Hadlay
October 11, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qareenka ayaa war Saxaafadeedkiisa ku sheegay in aanay  inkiri doonin in uu dhacay heshiis dhex maray 2010  Cristiano Ronaldo iyo Kathryn Mayorga heshiiskaasna micno ahaan aysan ahayn in uu qirsan yahay danbiga loo haysto balse uu galay markii uu latashiyo lasameeyey lataliye yaashiisa iyo qareenadiisa si aan wax loo yeelin sharafta xiddigan oo markaa heshiis lagalay Real Madrid.

Sidoo kale qareenka Ronaldo ayaa sheegay in dukuumintiayada lagu daabacay warbaahinta ee uu kujiro magaca Mr Ronaldo ay calaamad u tahay wixii dhacay Sanadkii 2015 markaas oo la dhacay ama la jabsaday sir badan oo ku jirtey Kumbuyuutaro qaarada yurub yaallay kuwaas oo ay lahaayeen dad gaar ah iyo dowladu dukumiintayadaas oo aan aragnay ayuu yidhi iyaga oo sidoo dii loosoo daabacay ama wax iyaga oo laga badalay kan la sheeganaya kuwaas ayuu lamid yahay sidaa waxaa yidhi Peter Christiansen  oo ah qareenka Ronaldo ka difaacaya dacwada loo haysto.

Waxaa kaloo jira in qareenka Ronaldo uu sheegay in magaca uu leeyahay iyo lacagta uu haysto ay qayb weyn ka tahay in la buun buuniyo wax yaabo been ah oo lagu sharaf dilayo Xiddigan isaga oo si gooni ah weerar ugu qaaday Warbaahinta iyo dad si gooni u isticmaala baraha bulshada sida uu sheegay  waana sii wadi doonaan ayuu hadalkiisa sii raaciyey qareenka difaacaya Ronaldo.

Cristiano Ronaldo’ayaa Todobaadyadii lasoo dhaafay bartanka kaga jirey xaalad jah wareer ah kadib markii Gabadh lagu magacaabo Kathryn Mayorga’oo u dhalatay dalka Maraykanka ay ku eedeysey in uu kufsaday sanadkii 2009 xiligas oo ay ku sugnaayeen Magaalada Las Vegas balse Ronaldo ayaa ,markasta si kulu u beenanayey dacawada lagu soo oogey.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews