berberatoday.com
Axmed Siciid Cige Oo Ka Hadlaya Waayo Aragnimadiisa 20kii Sano Uu Idaacada BBC-da La Shaqaynayey
November 22, 2018 - Written by Berbera Today
42 sano ayuu Axmed ku jiray hawlaha saxaafadda

“Waxaan rasmi ahaan ugu biiray laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC 15 Janaayo, 1999. waxaan la kowsaday xilli siyaasadda Soomaalidu ay meel xun mareysay oo la waday qabanqaabadii shirkii dowladda KMGka ee Carta.

Somaliland oo anigu aan uga soo warramo BBC waxaa madaxweynaheedii xilligaas, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo baarlamaanka iyo guurtiduba ay go’aamiyeen in qofkii Somaliland u dhashay ee ka qayb gala shirka Carta ee dib u heshiisiinta Soomaaliya uu galay khiyaano qaran.

Dayaarad ay saaran yihiin mudanayaal ka tirsanaa baarlamaanka Jabuuti iyo odayaal kale ayaa ka soo degtay garoonka Hargeysa sanadkii 2000, iyagoo rabay inay ku qanciyaan Somaliland in shirka Carta ay timaado, laakiin waxaa madaxweyne Cigaal uu amar ku bixiyay in aanay dhulka u soo degi karin ee ay dib ugu noqdaan Jabuuti. Waxaan tegay garoonka si aan u helo xaqiiqada oo BBC ugu tebiyo.

Cige iyo madaxweynihii hore ee Zambia Kenneth Kaunda, Hargaysa 2005.
Image captionCige iyo madaxweynihii hore ee Zambia Kenneth Kaunda, Hargaysa 2005.

Waxaan ka dusay xayndaabka hore oo waxaan hoos tegay diyaaradii, waxaana ii suurtagashay in aan diyaaradii gudaha u galo oo ku soo wareysto ninkii hogaaminayay wafdiga Jabuuti. Boliiskii garoonka ayaa i qabtay, waxayna ii geeyeen saddex wasiir oo joogay garoonka oo arrinka u yimid, “aan xidhno weriyaha BBC” ayaa la yidhi, laakiin mid ka mid ah wasiiradii ayaa yidhi “waar warkiisii wuu haystaa Axmed ee aan inaguna dhinaceena u warrano”. sidaasi ayaan ku helay warkii kowaad ee dhacdadaa oo galabtiiba ay sii daysay BBC.

Dhacdo kale oo ahayd cahdigii madaxweyne Cigaal, waxay aad isu qabteen koox salaadiin ahayd oo siyaasiyiintii SNM badidoodu ka danbeeyeen, waxayna yidhaahdeen “shir beeleed ayaan qabaneynaa”, laakiin Cigaal salaadiintii ciidanka ayuu ku dalbaday oo waxna xabsiga Hargeysa ayaa la dhigay, qaarna guri nin suldaan ahi deganaa ayaa ciidanku ku hareereeyeen.

Cige oo waraysanaya Daahir Axmed Faarax (DAF) oo ka mid ah mucaaradka JabuutiLahaanshaha sawirkaAXMED SICIID CIGEuuti
Image captionCige oo waraysanaya Daahir Axmed Faarax (DAF) oo ka mid ah mucaaradka Jab

Waxaan u badheedhay in aan galo guriga salaadiinta lagu go’doomiyay anigoo ahaa weriyaha keliya ee dableydii ay wateen salaadiintu u ogolaadeen in aan galo gudaha guriga oo soo wareystay salaadiintii. Waxaan ka soo baxay gurigii anigoo iska qarinayay ciidamadii, warkiina BBC duhurkiiba waa aan ka sii daayay iyadoo dhinacii xukuumadana jawaabtoodii ku jirto warka.

Waayaha kale ee BBC iga soo maray labaatankii sano ee aan u shaqeynayay waxaa ugu cuslaa wararka doorashadii madaxweynaha ee 2003 oo 80 cod oo keliya uu Daahir Rayaale kaga helay Axmed siilaanyo.

Labada dhinacba isla galabtii lagu dhawaaqay natiijada doorashada ayaan lugaheyga ugu tegay oo ay i siiyeen (iiga warrameen) dareenkooda, weliba iyadoo taageerayaasha Axmed siilaanyo aad u kacsanaayeen, laakiinse uu isagu go’aan adag qaatay oo aqbalay natiijadii maalmo ka dib.

Doorashooyinkii kale ee baarlamaanka iyo madaxtooyada iyo golayaasha deegaanada oo afar ahaa iyaguna culeyskooda iyo taxadarkooda ayay igu lahaayeen. Doorashadii ugu danbeysay ee 13 Nofember 2017 waxaa BBC markii ugu horeysay ku guuleysatay inay dood ugu qabatay Hargeysa saddexdii murashax ee tartamayay ee Cabdiraxman cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muse Biixi .

Cige iyo Zaynab Badawi
Image captionCige iyo Zaynab Badawi

Waxyaabaha kale ee xusida mudan ee aan u soo joogay waxaa ka mid ahaa horaantii bishii Nofember 2017, oo fadhigii golaha wakiillada ay feedh iskala daaleen gudoomiyihii golaha, Cabdiraxman Cirro, iyo ku xigeenkiisii, Baashe Maxamed Faarax, iyadoo aan ahaa weriyaha keli ahaa ee barta sare ee ay fadhiyeen la saarnaa ee ka duubanayay codadka. Dad badan ayaa igu yidhi “maxaad u kala qaban weyday labada masuul adigaa ugu dhowaayee”? Waxaan ugu jawaabay “bal ka warrama haddii uu mid odhan lahaa weriyaha BBC ayaa ii qabtay ninka, yaa dib danbe ii aamini lahaa”.

Waa ay badan yihiin waayaha war-raadinta iga soo maray muddadaa dheer ee BBC aan u shaqeynayay, waxaa BBC Somali sharaf u ahayd in Axmed Siilaanyo oo ahaa murashaxii jagada madaxweynaha ee xisbigii mucaaridka ee Kulmiye uu dhaawac fududi ka soo gaadhay misigta isagoo ku kufay gurigiisa wax yar ka hor doorashadii Juun 2010 ee uu helay.

Waxaa uu doortay inuu anigoo ka socday BBC uu warka dhaawaciisa i siiyo. Mar kale Axmed Siilaanyo oo madaxweyne ahaa ayaa 26 Oktoobar 2015 waxaa mar keliya iska casilay golihiisii wasiirada shan wasiir iyo shan wasiir xigeen iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo ay ku jireen wasiirkiisii madaxtooyada ee awoodda badnaa, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirkii Arimaha Dibedda Maxamed Biixi yoonis, wuxuu madaxweynuhu markaana doortay inuu aniga oo BBC ka socday i siiyo warka jawaabtiisa oo dadweynaha oo dhami wada sugayeen, isagoo ka aqbalay galabtiiba istiqaaladii oo uu ku sheegay wareysi gaar ah oo aan ka qaaday.

BBC Somali oo keli ah kuma aanan ekeyn ee laamaha kale ee BBC ayaan caawin jiray. Waxaa Hargeysa igu soo maray badi weriyaasha caanka ah ee BBC world sida; Dan Dimon, Simon Reeve, Charles Havilland , Zaynab Badawi , Roger Hearing , kari Blackburn , Caroline karobia , Solomon Mugera , Mary Harper , Joseph Warungu , Andrew Harding, iyo qaar kaloo badan.

Axmed Siciid Cige iyo Faarax Lamaane oo isu diyaarinaya doodda murashaxiinta madaxweynenimada Somaliland, Hargaysa 9 Nofembar, 2017
Image captionAxmed Siciid Cige iyo Faarax Lamaane oo isu diyaarinaya doodda murashaxiinta madaxweynenimada Somaliland, Hargaysa 9 Nofembar, 2017

Waxaa kaloo aan ka qayb qaatay fududeynta heshiisyadii BBC iyo Somaliland ee xafiiska hargeysa ee BBC media action 2005, iyo warlaliska BBC FM ee Hargeysa oo iyadu ahayd mowjadii ugu horeysay ee ku shaqeysa tamarta cadceeda ee BBC ka hirgeliso caalamka oo dhan 2001.

Wax badan waxaan qabaa waxaa ii sahlay xirfaddayda warbaahinta oo aan ku soo jiray muddo dheer oo aan ka soo shaqeeyay BBC ka hor Radio Hargeisa iyo Radio Mogadisho.

Waxaa kaloo aan ahaa weriyihii ugu horeeyay ee ka hadla markii ugu horeysay ee Telifishankii Soomaaliya laga furay Muqdisho, bishii Oktoobar 1983.

Waxaan qaatay tababaro badan oo aan u tegay Masar, Ciraaq, South Korea, BBC London, Nigeria, South Sudan, Kenya, iyo Jabuuti.

Cige oo ka shaqaynaya warka imaatinka kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Jendayi Frazer ay ku tagtay Hargaysa, Febraayo 2008Lahaanshaha sawirkaAXMED SICIID CIGE
Image captionCige oo ka shaqaynaya warka imaatinka kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Jendayi Frazer ay ku tagtay Hargaysa, Febraayo 2008

Waxyaabahaas iyo aqoonta juquraafiyadeed ee aan u leeyahay Soomaalida iyo dhaqankooda ayaa ii fududeeyay in dadkeygu igu kalsoonaadaan.

Waxaan ka helaa in aan wararka caalamka dhegeysto iyo in aan lugeeyo oo shacabka caadiga ah basaska la raaco oo dareenkooda aan ka war hayo.

In badan ayaan arimaha bulshada ka warramay oo wareystay dadka danyarta ah sida baalashlayaasha, naafada, wadhatada, gaadiidleyda, iyo haweenka xoog maalka ah.

Ugu danbeyn waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhegeystayaasha labaatankii sano ee la soo dhaafay iga dhegeysanayey BBC Somali iyo dhammaan shaqaalaha BBC, gaar madaxdii laanta soomaaliga ee BBC igu soo martay oo toddoba ah – Maxamed Cabdillaahi , Yusuf Garaad , Andres Ilves , Josephine Hazeley , Ibrahima Diane, Caroline Karobia , iyo Cabdillahi Cabdi Sheekh

 

 

Sources BBCSomali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews