berberatoday.com
Waa Tuma Gabadha Kaliye Ee Ka Kamida Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland?
January 1, 2019 - Written by admin

Garowe(Berberatoday.com)-Waxaa xilalka si rasmi ah loogu dhaariyay xildhibaanada cusub ee maamulka Puntland kaddib markii shalay lagu dhawaaqay mudaneyaasha ay soo xuleen guddiga xallinta khilaafaadka.

Xildhibaannada oo ay tiradoodu gaareyso 66 ayaa laga soo kala xulay deegaanada kala duwan ee uu ka kooban yahay maamul goboleedka Puntland.

Nimco Cabdi Caarshe, ayaa ah haweeneyda kaliya ee ka dhex muuqata xildhibaannada maanta la dhaariyay.

Nimco oo BBCda la hadashay ayaa sheegtay in farxaddeeda aan la soo koobi karin.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee ay beeshayda ii soo xuleen iina doorteen anigoo waliba kaligay dumar ka ah baarlamaankan.”

“Waan ka xumahay in maanta aysan gabdho garbahayga taagnayn, waxaan jeclaan lahaa inay gabdho badan dhinacyadeyda fadhiyaan oo aan ragga ka weheshado, laakin wey dhacday inaysan halkaan imaanin marka ragga ayaan hadda garb ka dhiganaynaa.”

Haweenka ayaa dadaal ugu jiray sidii ay xubno badan uga heli lahaayeen baarlamaanka Puntland isla markaasna horay waxay uga codsadeen odeyaasha inaysan ka tagin marka ay beeshooda usoo xulayaan xildhibaan matala.

Ijaabo Xoosh Gaashaan oo kamid ah haweenka halganka ugu jiray sidii ay usoo dhacsan lahaayeen qoondadooda ayaa BBC-da horay ugu sheegtay inay caqabado ku hor gudban yihiin waddadii ay ku gaari lahayd damaca ah inay xildhibaan noqdaan.

Ijaabo oo u tartameysay mid kamid ah xubnaha baarlamaanka gobolka Nugaal waxay sheegtay in ‘Caqabadaha haysta ay kamid tahay in dumarka aanan wax badan loo oggolayn, iyadoo dumarkana ay kaalin weyn ka hayaan horumarka bulshada’.

Markii la aasaasay maamulka Puntland sannadkii 1998-kii, tirada haweenka ku jiray baarlamaanka waxay ahayeen 5 gabdhood, balse baarlamaanka hadda haweenka waxay ku leeyihiin 1 xubin oo kaliya ah.

Nimco oo la hadlaysa gabdhihii tartamay laakin waayey, ayaa tiri, ” Waan u hambalyeynayaa gabdhihii dadaalka galay balse ku guul daraystay, waxaana ku leeyahay isku day fiican ayaad samayseen.”

Sources BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews