Madaafiic Hoobiyeyaal Ah Oo Maanta Lagu Weeraray Xarunta Qaramada Midoobey Ee Moqdisho+Daawi Sawirada
January 2, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Faah faahin ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidanka AMISOM, isla markaana ay ku yaallaan Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo safaaradaha Ajnabiga.
Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya saameynta madaafiicda hoobiyeyaasha oo gudaha ugu dhacay xarunta Qaramada Midoobey ee UNSOM.
Illaa afar madfac ayaa ku dhacay xarunta UN-ka, waxaa la sheegayaa in labo ruux oo shaqaalaha UN-ka in dhaawac ka soo gaadheen.