berberatoday.com
“Hadii Waddani Uu Ka Hadho Doorashada Taasina Waa Iidda Labada Xisbi Ee Kale, Waxanay Fursad Gaar ah U Tahay Kulmiye”Cali Guray.
January 3, 2019 - Written by admin

JAMHUURIYADDA SOMALILAND;(Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna)

‘Xisbiga UCID la yaab ma laha hadii geed dheer iyo geed gaabanba uu isgu taago in dalka ay ka qabsoomaan doorasgooyinka muddo-dhaafay ee muddo-dhaafay hadan muddo-dhaafay welina ay kuwo ay doonayaan inay sii muddo-dhaafaan. Waayo marka wax kaleba aanad eegin xisbiga keliya ee huba lana hubo inuu kor uga kici doono halkii uu joogay doorashadii Madaxtooyadu waa UCID. Labada xisbi ee kale iyagana waa la hubaa hadii ay qabsoonto doorashadu in labaduba hoos uga dhici doonaan halkii ay joogeen oo kulmiye aanu ku guulaysan doonin kuraasida aqalka wakiilada 55% WADDANINA 41% ee labaduba ay hoos uga dhici doonaan marka ay tahay tirooyinka ay ka heli karaan xildhibaanada Aqalka Wakiilada. In kastoo aan weli saadaal sax ah la samayn karin hadan UCID oo joogay 4% doorashadii Madaxtooyada ayaa ugu yaraan la hubaa inu gaadhi karo kor u kac 16% ilaa 21% ah taasoo ah inu ka heli karo tirada xubnaha wakiilada 20% ilaa 25% marka sadexda xisbiba ay doorashada ka wada qaybgalaan.

In kastoo aan laga yaabin hadana hadii WADDANI uu ka hadho doorashada taasina waa iidda labada xisbi ee kale waxanay fursad gaar ah u tahay KULMIYE oo la hubo inu markaa heli karo kalabadh in ka badan kuraasida Aqalka Wakiilada ama uu gaadhi karo 60% halka UCIDna markaa heli karo 40% kuraasida Wakiilada. Hadii ay taasi dhacdo aqalka hoose ee Baarlamanka Somaliland wuxu noqon doonaa mid uu muxaafidku tirada badan ka yahay oo isagu uu hogaaminayo.

Dhinaca kale hadii sadexda xisbiba ay doorashada ka qaybgalaan ma dhici doonto inu helo 51% markaana waxa qaali noqon doono kaadhka ucid oo labada xisbi mid waliba u baahan doono inu la xulafaysto. Hadii labada xisbi ee mucaaridku ay is-xulafaystaan taasi inooma cusba ee waa sidii hore hadiise UCID oo xisbi mucaarida ahi la daawaysto xisbul xaakimka Kulmiye taasi waxay noqon doontaa xaajo ugub oon hore inoo soo marin. Waxa kale oo iyaduna mubaax ah in xildhibaanada ka soo kala baxa sadexda xisbi ay ku heshiin karaan sadexda xubnood ee shirgudoonka in kastoo UCID taasi si ba’an uga dagaalami doono waayo isagoo ku gorgortami kara Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada kuma doorsan karo in uu qaato xubinta sadexaad ee shirgudoonka aan la garanayn halka uu sharciyadda ka soo gelayo ee awoodaha gaarka ku yeelanayo laakiin heshiiska lagu yahay ee lagu soo dhaqmay

Hadaba ciddii doontaa ha ku guulaysto maanta wax walba waxa ka muhiimsan inay dalka ay ka qabsoonto doorasho maaha in lagu badbaadiyo dimuqraadiyadda Somaliland lagu majiiran jiray oo keliya ee waxa halis ku jira geedi-socodkii qarandhiska Somaliland ee soo taxnaa tan iyo 1991kii waayo Ummadda Somaliland oo dhami gaadhigii ay saarnayd wuu ka baxsan yahay waddadii toosnayd uu hayay oo qardo jeex ayuu beryahaaba marayay aan waddo jirin inu jar kala duulana u dhaw hadii aan dib loogu soo duwin waddadii toosnay oo aan xal loo helay muddo dhaafyada labada aqal ee Baarlamanka iyo weliba golayaasha degaanada hadii kale dawladnimadii Somaliland ay sheeganaysba waxa noqon hal bacaad lagu lisay waayo way fasaqday oo liin-baxday oo la qiimo tiray.

Sidaa daraadeed raqba waa ku rageeda eh Somaliland ciidan uma maqna ceelna uma qodna hadii ay ceebtan qaran iska maydhayso iyo hadii kaleba qabyo waa halkeedii.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caligurey)

Independent Political Commentator

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews