Qaramada Midoobey Oo Maanta Ka Doodeysa Arrimaha Soomaaliya
January 3, 2019 - Written by admin
New York(Berberatoday.com)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka dambe ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka.
Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysatay in Nicolas Haysom aanan laga rabin dalka isla markaasna uusan kasii shaqeyn doonin Soomaaliya.
Si kastaba, illo wareedyo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa BBC u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raacin waddo diblumaasiyadeed markii ay eryasay Haysom.