berberatoday.com
Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Kawaramay Maxbuus Daryeel La.aan Caafimaad Ugu Geeriyooday Xabsiga Hargeysa
January 4, 2019 - Written by Berbera Today

Waxa aan xabsiga dhexe ee Hargeysa ku soo arkay ( Maraggayga)

Waxa ku geeriyooday gudaha xabsiga dhexe ee Hargeysa 19/5/2017 Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi oo da’diisu ahayd 73 jir , oo qabay xanuunada macaanka iyo dhiig-karka , oo ka soo jeeda deegaanka Dila ee gobolka Awdal .

Todobaad ka hor intii aanu geeriyoon C/raxmaan isaga iyo ehelkiisu aad waxa ay u codsadeen in la geeyey cisbitaal dibadeed, balse taliska xabsigu way ka diideen iyaga oo ku sababaynaya in aanay amarkaa iyagu lahayn ee uu leeyahay boolisku ,maadama uu ku xidhanyahay amarka boolis oo uu yahay “rummaan” ( xabsi ku sii hayn ) oo aanu ahayn xukumane maxkamdi aanay xukun ku ridin.

Maalintii uu uu geeriyoondoono cabdiraxmaan oo ahayd maalin jimce ah , waxa uu lugihiisa ku tagay xaruun caafimaad oo ku dhextaalla xabsiga , halkaas oo lagu soo muday “Falaeebbo” dhanaan ah sida la ii sheegay , kadibna waxa lagu soo celiyey qolkiisii isaga oo la sido oo xaaladiisii ka sii dartay, wax yar kaddib waxa naloo sheegay in ay naftii ka baxaday Allaah ha u naxariistee, waxa aan ka mid ahaa raggii gacantooda maydkiisa kaga soo qaaday qolkiisa oo geeyey xaruunta caafimaad ee jeelka.

Aniga iyo Cabdiraxmaan isku qayb baanu kaga xidhnayn xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ka kooban afar qaybood (A.B.C.D) waxa aanu kuwada xidhnayn qaybta C-da , waxa aan ku jiray anigu dabaqa hoose qolka 2aad , isaguna waxa uu ku jiray dabaqa sare qolka 4aad , waxa aanu ku kulmi jirnay aroornimadii meel la noo soo dayn jiray in aanu mar mar ku jimicsanno , waxa uu ii sheegijiray in yahay bilaa dambi oo ku xidhanyahay dulmi .Cabdiraxmaan waxa uu ahaa nin eheli-diin ah ee wajigiisa itin badani ka muuqdo , waxa uu ahaa nin dheer oo leh gadh timo cas .

Waxa la soo xidhay cabdiraxmaan 18/7/2016 , waxa uu ku xidhnaa qaybta baadhista dambiyada ee Hargeysa inta illaa iyo 12/12/2016 , kaddibna waxa loo soo wareejiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa halkaas oo uu ku geeriyooday 19/5/2017 (AHN)

Waxa uu ahaa C/raxmaan nin ka ganacsada iibka hubka , kala iibsiga hubka oo laga ogolyahay Somaliland , Mudadaa uu xidhnaa C/raxmaan waxa ku socotay Dacwad iyo baadhis la xidhiidhka ganacsigiisaas isaga iyo dadyow kala duwan oo siyaabo kala duwan loo soo xidhay ,galldacwadeedkiisa waxa gacanta ku hayey oo maxkamadanayey gudoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil .

Ku dhawaad sanadkaa uu xidhnaa , waxa uu ku xidhnaa amarka booliska , gaar ahaan qaybta baadhista dambiyada ee Hargeysa ee uu taliyaha ka yahay Daahir Muuse Abraar, dacwaddiisana waxa lagu qaadijiray gudaha xabsiga , waxa iman jirtay maxkamdda oo guuraysa .

Xabsiga dhexe ee Hargesya waxa aan ka soo baxay 25/5/2017 , ku dhawaad sadeex bilood baan ku jiray , muudo ka horaysayna waxa aan ku sii jiray xaruunta baadhista dambiyada ee Hargeysa (CID)-da , waxa aan sugayey fursad aan mar un ku sheego margayga , maanta ayey noqotay , waxa aan dareemayaa in aan xabaarsanaa ammaano culus oo aan iska wareejiyey , Allaah waxa aan ka baryeyaa in xaqii C/raxmaan soo saaro .

Waxa aan ku soo gabogabaynaa oo isweydiin mudan : Yaa ka masuul ah sababta geerida Cabdiraxmaan ? 
C/maalik Sh.Muuse Coldoon 
4/1/2019,Jigjiga

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews