Ciyaar Yahan Caan Ah Oo Hooyadii Xil Loo Magacaabey
January 5, 2019 - Written by admin
Ghana(Berberatoday.com)-Xidhiidhka kubadda Cagta ee dalka Guinea ayaa hooyada dhashay laacibka Manchester United qadka dhexe uga dheela ee Paul Pogba u magacaawday safiirka kooxda Kubadda Cagta haweenka ee dalkaasi.
Magacaabista Yeo Moriba ayaa imanaysa kadib markii ay kulan wada qaateen iyada iyo Mamadou Antonio Souare oo ah madaxweynaha xidhiidhka Kubadda Cagta ee dalkaasi.
Souare ayaa ku raja weyn in Paul Pogba iyo mataanayaasha la dhashay ee Florentin iyo Mathias ay hooyadood ka caawin doonaan shaqadeeda cusub.