Natiijada Doorashada Madaxtinnimada Congo Oo Muran Dhalisay
January 13, 2019 - Written by admin
Congo(Berberatoday.com)-Natiijada rasmiga ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo la shaaciyay ayaa waxaa inta badan kuraasta ku guuleystay xisbiyada xulafada la ah madaxweynaha xukunka ka sii degaya, Joseph Kabila.
Codbixinta madaxtinnimada ayaa ahayd mid lagu murmay – musharraxa mucaaradka ah Felix Tshisekedi ayaa la sheegay inuu ku guuleystay, balse musharraxa kale ee Martin Fayulu ayaa sheegay inuu isagu guuleystay isla markaana uu maxkamad aadi doono.
Madaxweynihii hore ee Congo Joseph Kabila ayaa ka degaya xilka. Laakiin isbahaysiga uu hoggaaminayo Kabila ayaa ku guuleystay aqlabiyadda kuraasta baarlamaankaasi, sidaas awgeed isaga iyo xulafadiisu weli qeyb weyn ayay ka qaadan doonaan awoodda dalkaasi.