berberatoday.com
”Sanadkaas Inoo Curtay Waxa Loo Kala Baxayaa Somaliland-Der Iyo Somaliland-Der Diid..” Wasiir Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo
January 14, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay in la bilaabi doono qorshe adag oo lagaga soo horjeedo cid kasta oo ku xidhan dawlada soomaaliya isla markaana ku sugan gudaha somaliland.

 

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadu qaadayso talaabooyin ka dhan ah dadka soomaaliya ku xidhan, waxaanu shaaciyey laba aragtiyood oo dadka loo kala saari doono, waxaanu yidhi “Cid kasta oo ku xidhan Xamar dawladu way ogtahay, sanadkaa maanta ah ee inoo curtay waxa loo  kala baxayaa somaliland-der iyo somalilander-diid.”

Wasiir Guribarwaaqo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Markaa ninkii aan somaliland ku  kalsoonaynow Xamar way kuu banaan tahay hase yeeshee lagaa yeeli maayo inaad isku dirto bulshada somaliland kana shaqaysato isla markaana aad naxli ka dhex abuurto.”

Hadalka wasiirka warfaafinta somaliland ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan ay wasiirka shaqo gelinta iyo arimaha bulshadu sheegtay inay jiraan dhalinyaro reer somaliland ah oo ku xidhan xafiiska madaxweynaha soomaaliya, kuwaas oo aanay soo bandhigin ay balse ay cadaysay in arintaasi jirto.

Dhinaca kale waxa lays waydiinayaa cida ay ku socdaan dhawaaqyada isku midka ah ee ka soo yeedhaya masuuliyiinta dawlada madaxweyne Muuse Biixi ee ka dhanka ah dadka ay sheegayaan inay ku xidhan yihiin dawlada soomaaliya iyo xafiiska madaxweyne Farmaajo, balse waxa la filayaa inay soo shaac bixi doonaan marka ay xukuumadu talaabooyin qaado.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews