berberatoday.com
Dowladda Imaaraadka Oo War Xasaasiya Ka Soo Saartay Dilkii Mareeyihii Dekeda Basaaso Paul Anthony,
February 10, 2019 - Written by Berbera Today

Boosaaso(Berberatoday.com)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareeyihii shirkadda P&O ee dekada Boosaso  ee Maamul-gobaleedka Puntland.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay la xidhiidhi jireen Hay’adda P & O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baadhitaanada haatan socda ee loogu dabagalayo  qaabkii uu u dhacay dilkaasi.

Dowladda Imaaraadka waxay ugu baaqday Maamul-gobaleedka Puntland inay  muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada Shaqaalaha ka hawl-gala Dekedda Bosaaso, si ay maalgashiga Dekedaasi uga faa’ideystaan Ummadda Soomaaliyeed, waa sida hadalka loo dhigay.

Hadal-qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Imaaraadka ka soo horjeedaan dhamaan noocyadda falalka colaadeed, iyadoo odhanka kalena lagu xusay baahida loo qabo inay Beesha Caalamka u midoobaan  La-dagaalanka waxa ay ugu yeedheen Cabsida Xag-jirka ee khatarta ku ah Ammaanka iyo Deganaanshaha dhamaan Dalalka Caalamka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews