berberatoday.com
Qoraa Maxamed Baashe Oo Soo Bandhigay Cadadka Lacago Malaayiin Dollar ah Oo Madaxwayne Muuse Biixi Si Toosa Uga Qaatay Dawlada Emaraadka! H
February 10, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo kamida qoraayada reer Somaliland islamarkaana ka hawlgla dhinaca warbaahinta qaar ayaa markii ugu horaysay banaanka keenay lacago malaayiin dollar ah madaxwaynaha Somaliland sitoosa ugu qaatay dawlada emaraadka iyo sidoo kale halka ay ku dhacaan dhaqaalaha kasoo baxa haamaha shidaal, dekeda berbera iyo abniga madaarka hargaysa oo dhamaan lacaga kasoo xeroodaa aanay ku jirin miisaaniyada qaranka isagoo sheegay in dhamaan lacagahaasi ay ku dhacaan gacanta madaxwayne muuse biixi.

Qoraa maxamed baashe ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

Muxuu boog horeetiyo

Haydaar daweeyaa

Maalkii sawtan haaddiyo

Haaweydu boobeen!

$93 Milyan ayuu Muuse ka qaatay oo qaddimaad ah saldhigga Berbera oo gacantiisa qofnimo ku dhacday. Waa war sugan oo ilo xogagaal ahi bixiyeen.

$5 milyan ayay UAE bil kasta muddo sannad ah ku kabaysaa, laga bilaabo safarkii madaxweynuhu ku tegey UAE sannadkii hore bilowgiisii, kor u soo qaadidda qiimaha shilinka Somaliland, bishii u horreysey oo qudha ayay lacagtaasi ku dhacday bangiga dhexe, wixii ka dambeeyey lacagtaasi waa la leexsadaa oo bangiga ma gasho. Isna waa war kale oo sugan oo ilahaas xogagaalka ahi bixiyeen.

Saamigii Somaliland ee DP World ee dekedda oo ahaa 30% kuma dhaco khasnadda dawladda, laguma daro miisaaniyadda ee waxa ay ku dhacdaa xisaabaadka Dubai Somaliland Investment Company oo shakhsiyaad ku qoran. Iyana waa xog kale oo sugan.

Lacagta kasoo baxda Haamaha Shiidaalka iyo meelihii kale gacanta xukuumadda lagu soo celiyey Aug 2018 sida adeegyadii madaarka iyo arrimaha amnigiisu lama yaqaan illaa hadda meel ka baxdo oo ma gasho qasnadda xukuumadda!

Waxa jira heshiisyo qandaraas oo malaayiin Dollar ku kacaya oo si aan sharciga waafaqsanayn loo siiyey shakhsiyaad lagu naasnuujinayo sida qandaraasyo la siiyey xubno ay ka mid yihiin qoyska madaxweynaha. Waa xog soo baxday oo caddaynteeda warbaahintu faafisay.

Guryaha la binaynayo ama kuwa iyaga oo dhisan la maydhaamayaa iyo dhul beereedka lagu durkayaa waa ay soo kordhayaan sidii aynu qormo hore wax kaga iftiiminnay.

Xaafadaha Hargeysa qaar waxa uu madaxweynuhu noqday cashuur-bixiyaha ugu weyn!

Sannad iyo laba bilood ayaa u buuxsamey xukuumadda Muuse Biixi oo ay dul hoganayaan daruuro madmadow oo musuq, boob, eex iyo qaraabokiil ah.

Maamul xumaantii maamullada ayaa Hargeysa ka soo ifbaxday!

Halka lagu degdegayaa, ma xeedhada salkeeda?!

Wixii hore bikh iyo i qarso saw ma noqonayaan?! Akhas!

“Nin agoon ku xaday qalin

Gooray ku qaraxdaba

Qaaxo kama fogaato!”

 “Cuqubada halkii lagu galay caw ku huruddaaye

Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama!”

“In kastoo Watiiniyo Wallayn iyo Wayllun lagu meersho

Weligeedba xaaraantu way waras garowdaa!”

Miyay gacmo aan daahir ahayni nijaas kaa daahirin karaan?!

“Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habow!”

 

 

Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews