berberatoday.com
Wasiirka Deegaanka Oo Sheegtay Inay Dadka Ajaanibka Ah Uga Digeen Inay Qashaan Duur-joogta Somaliland, Ka Dib Markii Nin Indho-yar Ahi Qashay Waraabe
February 11, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa sheegtay inay digniin siiyeen Nin Ajaanib ah oo Qashay isla-markaana cunay dugaagga loo yaqaan Waraabaha.

Wasiirka Wasaaradda deegaanku waxay sheegtay in Ninka Ajaanibka ah ee Waraabaha qashay ay uga digeen inuu Mar kale Qasho Waraabe ama Xayawaan kale oo ku nool Somaliland.

Wasiirka oo Shalay hor-tagtay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa iyadoo arrimahaa ka hadlaysa tidhi  “Waxa jiray Nin Ajaanib ah oo Waraabe cunay, kiina waxa la siiyey Digniin.”

Wasiir Shukri Baandare waxa kale oo ay ka hadashay Daryeelka Deegaanka “Degaan la’aani waa nolol la’aan, markaa waa in la tixgeliyo deegaanka, waxaynu ku nool nahay waa deegaanka, hawadaa aynu ku nool nahay, dhulkaa aynu socono, baddaa aynu Kalluunka ka cunayno, Buuraha, dhirta, xoolaha inoo dereeraya, Beerahaa aynu midhaha ka cunayno, intuba deegaanka ayay ku dhisan yihiin oo ay hoos yimaaddaan.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in Bacaha yaryar ee Alaabooyinka fudud lagu qaato oo hore Somaliland looga mabnuucay xilligan Dalka ka soo galaan dhanka Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland “Bacuhu waxay inta badan ka imanayaan Puntland, Puntland ayay imika Bacaha ugu badan ka soo galaan (Somaliland), Waayo? xuduud furan ayaynu leenahay.”

Wasiirku waxay intaa ku dartay inay yar yihiin Bacaha Dalka ka soo gala Dekedda Berbera “Badda waxa ka soo galaa way yar yihiin oo wax badan oo ay soo dejiyaan ayaa laga yaabaa inay ku soo dhex qariyaan koontiinnarrada (Ganacsatadu).” Ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay oo ay soo jeedisay in la Ganaaxo Ganacsatada Dalka soo geliya Bacaha “Haddaan Ganacsatada Jeebkooda la xanuujin oo Qofka sida aan la Xanuujin loo taag heli maayo, Xanuunkaas ayaa jeebka ka maqan, Ganaaxii Gobollada dalka sida wanaagsan uga hirgalay ee sida wanaagsan uga hirgalay wuu joogsaday, Maanta ma jiro Gobol keliya oo ku odhanayo waanu ganaaxnay ma jiro, Dawlad hoose oo Saylac illaa Sanaag ku odhanaysa waanu ganaaxnay ma jirto, taasina waa shaqo inoo wada taalla gidigeen.”

Bishii hore ayaa Baraha Bulshadu ku xidhiidho waxa si aad ah loogu baahinayey Muuqaal laga soo duubay Nin u dhashay Dalalka Qaaradda Aasiya oo haragga ka saaraya Waraabe la sheegay inuu dilay.

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews