berberatoday.com
AMISOM Oo Ku Dhawaaqday Go’aan Lagu Bartilmaameedsanyo Meelaha Ay Ururka Al Shabaab Kasoo Abaabulaan Weerarada!!
February 17, 2019 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Magaalada Muqdisho Ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir ay lahaayeen Madaxda Taliyayaasha AMISOM,Miltaraga Soomaaliya, wakiillo ka socday ,Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo waddamada taageera Soomaaliya.

Shirka oo socday shan maalmood ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen dhinacyadani in la fuliyo.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah beegsiga meelo gaar ah oo ay ku sugan yihiin Ururka Al-shabaab,loona arko in ay ka soo abaabulaan weerarrada ka dhanka ah Dowladda iyo AMISOM.

“qorshe howleedka aan isku raacnay waxaa uu ka kooban yahay qorshe howleed isku xidhan si loo taageero qorshaha kala guurka Dowladda Soomaaliya, iyo ka saaridda Al-shabaab meelaha ay ku dhuuntaan, ilaalinta xarumaha dadka rayidka ah” ayuu yidhi Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM.

Mr Mulongo, ayaa sheegay in qorshaha kala guurka Soomaaliya loo fulinayo saddex waji oo kala ah, dhimista Ciidanka, in amniga xarumaha muhiimka ah ee Muqdisho lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya,in laga hortago weerarrada AL-shabab,lana kordhiyo howlgallada lagu furayo waddooyinka dhulka ah, si ciidanka Dowladda looga taageero la wareegidda amniga dalka ee muddada dheer.

Waxaa uu taliyayaasha AMISOM ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan Taliyayaasha Soomaalida si loogu guuleysto qorshe howleedka ay dejiyeen.

Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa ku baaqay in loo baahan yahay ku lug lahaansho xoog leh oo xagga Soomaalida ka yimaada sixal kama dameys ah looga gaadho arrimaha Soomaaliya.

Gen. Charles Tai Gituai, oo ah Taliye ku xigeenka AMISOM sidoo kalena ah madaxa dejinta qorshaha howlgallada ayaa sheegay in loo baahan yahay wada shaqeynta labada dhinac si qorshahan ka dhanka ah Al-shabaab loogu guuleysto.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews