berberatoday.com
Dawlada Kenya Oo Sadex Shuruudood Ku Xidhay Soo Celinta Xidhiidhka Soomaaliya”Daawo Muuqal
February 18, 2019 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatodayu.com)-Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, Kenya ayaa ku xidhtay Somaliya shuruud sadex qodob ka kooban si xal looga gaadho muranka diblomaasiyadeed ee dhinaca badda ee labada wadan ka dhaxeeya.

Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa ayaa ah in Soomaaliya ay ka noqoto qaybaha ka mid ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada, London ee dalka Ingiriiska.

Shuruudda labaad ee ay Kenya ka dalbaneyso Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya ay ogeysiiso dhamaan shirkaddihii baayacay xidhmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn.

Shruudda sadexaad ee ugu dambeysa oo ah, in Kenya ay dooneyso in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda oo ay xal walaalnimo ka gaaraan, iyadoo aan la marin Maxakamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo.

Sida ay soo xigteen warbaahinta Kenya, Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr. Macharia Kamau, ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in Soomaaliya ay fuliso sadexdaasi shardi si Kenya ay u soo celiso xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada wadan ka dhaxeeyay.

Xalay ayey aheyd markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews