berberatoday.com
Somaliland: Tirada Qoxooti Itoobiyaan Ah Oo Xukuumaddu Dalka Ka Saartay Iyo Qorsheyaasheeda Mustaqalka
February 18, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay waddo qorshe Dalkooda dib loogu celinayo Qoxootiga u dhashay Dalka Itoobiya ee Somaliland ku sugan.

Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay illaa hadda Dalka Itoobiya dib ugu celisay Dad tiradoodu ka badan tahay 3 Boqol, isla-markaana sii wadayaan Qorshaha Dadka Itoobiyaanka dib loogu celinayo.

Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Muxumed (Xinif), oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi “Qoladii Saddexaad ayaanu celinay.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Dadka dib loogu celinayo Itoobiya ay iyagu doonayaan in la celiyo “Laba boqol iyo dheeraad kalena waxa laga soo diyaariyey Magaalada Burco oo iyagaa isa soo diwaangeliyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Hargeysa laga diwaangeliyey dad kale “Halkana (Hargeysa) 300 baa iska diwaangeliyey, illaa hadda Dadka aanu celinay tiradoodu waa Saddex boqol iyo dheeraad, waanuna wadnaa..”

Ugu dambayn, Dadkan qoxootiga ah ayaa qaarkood waxa diyaarado laga saaray Magaalada Hargeysa, si ay dalkooda dib ugu noqdaan, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo u warramay Guddoomiyaha Barakacayaasha Somaliland.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews