berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maalinta Beri Socdaal Ku Imanaya Berbera Iyo Tabashada Reer Saaxil Ee Xukunkiisa Oo Miiska Saaran
April 14, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu maalinta bari ah safar kuyimaado magaalo xeebeeda ee Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu xadhiga ka jari doono Qalbaka waxna Rara Waxna Roga oo Casriya oo dekada Berbera Shirkada DP World kusoo kordhisay iyo sidoo kale mashaariic horumarineed oo dekada  iyo Magaalada Berbera laga hirgaliyay kuwaas oo ay kamid yihiin jidadka laamiyada qurxoona ee maamulka Golaha Deegaanka Berbera ka hirgaliyay sharaacyada waaweyn ee magaalada Berbera iyo sidoo kale Dayactir balaadhan oo Baanka Dawlada ee Berbera lagu sameeyay.

Waxaana warka aanu helay sheegayaa in mudo laba maalmooda Madaxweyne Muuse Biixi joogi doono magaalada Berbera.

Marka laga tago xadhig ka jarka mashaariicda horumarineed ee Madaxweynaha waxa magaalada Berbera Ka Jira tabasho balaadhan oo beesha Gobolka Saaxil ka qabaan Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi iyada oo safarkii udanbeeyay ee Madaxweynuhu Berbera kuyimi uu ka gaws adaygay inuu tabashada kala sheekaysto Duqayda iyo aqoonyahanka Gobolka Saaxil isaga oo ku cudur daartay inuu safar Gobolada Bariga ah uxadhko xidhanyahay wakhtina aanu uhaynin kulankaas.

Tabashooyinka ay qabaa beesha Gobolka Saaxil ayaa waxa kamida Xilal ay beeshu hore uhayn jirtay uu Madaxweyne Biixi ka qaaday intii uu xukunka hayay kuwaas oo ay kamid yihiin Badhasaab kuxigeenkii Gobolka Maroodijeex, Wakiiladii Somaliland ee Dalalka Mareykanka Iyo Imaaraatka Carabta Rashiid Gaaruf Iyo Xasan Yasin Hirad oo mudo ka yar lix bilood xilkaa hayay sidoo kale waxa jira iyaguna agaasimayaal laba ahaa iyo laba Wasiir kuxigeen oo Xukumadii hore katirsanaa kuwaas oo kala ah Wasiiro Kuxigeenadii Madaxtooyada iyo Iyo Xananada Xoolaha Cali Dhegoole Iyo Cali Gadheer oo iyaguna meeshaba ka baxay iyo agaasimayaashii Guud ee Diinta Iyo Awqaafta Iyo Deegaanka iyo Maareynta Haamaha Shiidaalka Berbera uu hada udhiibay Xasan Embassy Xilalkan oo uu dhamantood Madaxweyne Muuse Biixi ka qaaday Beesha Gobolka Saaxil Cid kalena Siiyay halka aanu Marnaba Madaxweyne Biixi ilduufin inuu Xilalka Jufadiisa Hoose cid kale siiyo ee iyaga uun uu isku bedelo hadiiba uu xilalka ka qaado.

Tabashooyinka reer Saaxil ayaa iyana awaxa kamida mashriicda Kasocda Berbera gaar ahaan Kuwa Dekeda iyo Saldhiga Ciidan oo Xukumadii hore ee Axmed Siilanyo Cid gaara uxidhay oo aan Deegaanka Gobolka Saaxil ahayn lana filaayay inuu Madaxaweyne Biixi wax ka qaban doono Markii uu Xukunka qabtay hase yeeshee aanu weli jaleecin ee uu usii jadiidiyay dadkii hore baadilka ugu haystay.

 

Waxa aad isha loogu hayaa tabashada Reer Saaxil iyo Garawshiiyaha Madaxweyne Muuse Biixi hadiiba uu ogolaado inuu kulan tabasho ah la yeesho reer Berbera,

 

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews