berberatoday.com
Wargeys Ingiriis Ah Oo Dhaliilay Deeqo Lacageed Oo La Siiyo Dalal Ay Somaliland Ku Jirto Iyo Doodda Dawladda UK
April 18, 2019 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Warbixin uu qoray wargayska ka soo baxay Ingiriiska ee Telegraph ayaa ku canaanatay dawladda Ingiriiska deeqaha ay siiso dalalka qaar ay Somaliland ka mid tahay oo ay sheegtay inaan Ingiriisku ka taxadirin in tacaddi xuquuqal insaan la gelin. Warbixintu waxaay sheegtay in Sanduuqa Khilaafka, Degenaanshaha iyo Amniga oo sanadkii 2018/2019 helay lacag 1.28 Bilyan oo Giniga Ingriiska ah aanu marin hanaan daah-furan oo uu taageero hay’ado si qaldan u shaqeeya.

Wargeysku wuxuu warbixintiisa ku yidhi  “Lacag badan oo ah ta ay bixiyeen cashuur bixiyayaashu ayaa lagu qarash gareeyey dalka Bariga Afrika dhaca ee la yidhaahdo Somaliland halkaas oo lacag dhan 2.4 milyan oo Gini loo qoondeeyey dib u habaynta maxkamadaha. Qoraalada rasmiga ahi waxay sheegeen in looga dan leeyahay kor u qaadista waxtarka iyo la xisaabtanka garsoorayaasha iyo dacwad oogayaasha halka kor loo qaadayo adeegyada maxkamadaha- balse waxbka kama sheegin [qoraaladu] sida loo joojinayo tirada sii kordhaysa ee dacwadaha ciqaabta ah ee lagu oogay qoraayo, abwaano iyo suxufiyiin. Maxamed Kayse Maxamuud ayaa la sheegay in lagu xukumay 18 bilood oo xadhig ah iyada oo lagu eedeyey inuu ku caayay madaxwaynaha qoraal uu Facebook ga soo dhigay oo uu ku sheegay in madaxwaynuhu yahay local ee aanu ahayn madaxwayne qaran. Human Rights Watch ayaa sheegtay in dacwadaha ciqaabta ah ee la soo oogayaa ay ciqaabayaan ka feker duwananshaha siyaasadaha dawladda ayna u yihiin caddayn weerar khatar ah oo lagu hayo xorriyadda cabiraadda.” Ayuu qoray Telegraph.

Warbixinta Telegraph waxaay u soo qaadatay tusaalayaal kale dalal badan oo ay ka mid yihiin Pakistan iyo Baxrayn.

James Gray, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga taladaha haya ee Conservative, ayaa u sheegatay Telegraph inay tahay “feker fiican” in la abuuro hay’ad cusub oo baadha sida lacagtaas loo qarash gareeyo.

Wuxuu u sheegay Telegraph: “Si aad iyo aad u wayn ayay u kakan tahay, waana arin sir ah, marka xaqiiqdii kuma dhaarteen maxkamad horteed inaan wax feker ah habayaratee ka haysto meesha lacagtaasi marto- runtii ma garanayo.”

Af hayeen u hadlay wasaradda arimaha debedda Ingiriiska ayaa isna yidhi: “dhammaan barnaamijyadayadu waxaay leeyihiin hanaan heer sare  oo lagu ilaaliyo xuquuqal insaanka dadka ka faa’iidaysanaya oo ay ku jirto talaabooyin badan iyo cadaymo lagu qiimaynayo laguna lafa gurayo ka hor intaan la bilaabin barnaamijika.”

 

 

 

 

Sources Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews