berberatoday.com
“Walaalnimo Ninkii Dilay Haduu Cabasho Deyn Waayay. Xaajooyin Duugoobay Oo Daalan Baa Iman”Gabay Uu Tiriyay Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahi Cigaal
May 3, 2019 - Written by Berbera Today

Gabaygan waxa Tiriyay AHUN M/weynihii Hore Maxamed X.Ibraahim Cigaal, isagoo maxbuusa waliba intii uu Afgooye ku xidhna ayuu tiriyay. Gabaygan oo aad qiimo badan oo ku garnaqsanayo inaanu helin kaalintii uu mudnaa iyo halgankii gobonimada uu u galay. Gabaygan ayuu kusoo qoray Af-Carabi wuxuuna usoo dhiibay Abu-Site oo ku yidhi Dacar Ibraahin u gee oo reer Berbera ah, Abw. Dacar ayaa gabaygii turjumay. Faataxada aynu u marno ilaahay qabriga ha u nuuro.

Gabaygii wuxuu ku bilaabmayaa:-

Talo dihatay leegada markuu damacu ii geeyay.
Ee Aadan iyo ay dageen dawladu haystay.
Aniguba Dilaal waxaan ku helay darajadaydii.
Anigoo Dalkeenii fadhiyin Dagaladii saaxiil.
Oo Higilku ii yahay Dugsiyoo wehelka Doonaaya.
Diyaafad aan kariyayoo Duulna iman waayay.
Tolkuu ina xuseen iga didshee doobiga u tuuray.
Inaan Moodhi kaaro u diroo Diricna soo raacin.
Sidaa Maragu waa ii diyaar beeni duug ma leh.
Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay.
Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana.
Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin.

Dambigan iyo xilkan isaaran baa diray naftaydii.
Dalalkeena Maqan baan lahaa duudsi yaynoqon.
Dulmigii wajeer lagu hayay iyo dacas wixii gaadhay.
Dafirtay itoobiya intay daalac naga haysay.
Dekedii jabuutina sidii magaca loo doorshay.
Intaan soo dabarayay bay canaan igala daaleen.
Ay gudaha sii dumin jireen ani daraaday.
Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay.
Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana.
Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin

Tolkay iniga iimuu darnayn oo ima darbeeyaan.
Horaantaanu iga dooran jiray labbada daamood.
Aniguna abaalkii ma duwin mana doorsiin.
Kuwii dharaga iga doonaya foodka foodka dabadiisa.
Dabaal tobban bilood heshay simeen waanay dad ahayne.
Nebi yuusuf (CS) ceel dalab kusii kii dadka u xigay.
Nabad uga dembaysii illah diiq wuxuu badaye.
Durdur malaba, Daad wada jano ah, Dooxyo wada dhay ah.
Nimcada daadsan nebiyaal u digay dar illah siiyay.
Reer binu israiil ka dude deeqdii loo wacay.
Dembaab bay xambaarteen markay mahadnaq diideen.
Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay.
Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana.
Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin

Aan degdego, Daryeel ii samee, dhari dab aan saaro.
Idalici hadana aan ku dilo dabina kuu qoolo.
Idaadihi aan gaax darartay iyo dihini kaa maalo.
Cadaawahana meeshaada dagan daawo kula qaato.
Waa labba dal kala fog Dawna isku lahayne.
Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay.
Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana.
Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin.

Dhawaan baa dayuurad iyo faras lay dabaal degi.
Ha Degdegin ku dhaha hooyaday diiqna ha is gelin.
Caashana Ha dumaroobin dhaha waad ka daal tiran.

Maalinta ayay yay ku beegan tahay xuskii Marxuum Cigaal 3May.2002, Ilaahay qabriga haw nuuro Aamiin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews