Kenya Oo Dal Ku Gal U Diiddey Wasiiro Iyo Xildhibaanno Dawlada Xamar Katirsan Iyo Sababta
May 22, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Dowladda Kenya ayaa dal ku gal u diidey xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaalaiya, kuwas oo muddo saacado ah ku xannibnaa garoon ku yaalla Kenya, sida ay ila wareedyo u sheegeen VOA.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale, ayaa warar ay VOA heshay ay sheegayaan in ay ka mid ahaayeen xubno dowladda Soomaaliya ka tirsan oo loo diidey dal ku galka ay xubnaha diblumaasiyiinta ay ka qaataan garoomada Kenya.