Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Oo Ka Hadashay Sababta Loo Xanibay Mas’uuliyiinta Dawlada Somaliya,
May 22, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa si kooban uga jawaabtay sababta wasiiro iyo xildhibaano Soomaali ah loogu diiday inay galaan magaalada Nairobi oo garoonka loogu xanibay.
Monica Juma ayaa sheegtay inaysan wax badan kala socon faah-faahinnada sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee aysan la yaab ku noqon in dad aan Visa wadin loo diiday inay galaan dalkaas.
“Dhammaanteen waxaan ku safarnaa Visa, sidaas darteed haddii aadan haysan Visa way adag tahay inaad dalkeenna soo gasho” ayey tiri Monica Juma.