berberatoday.com
Britain Oo Xarun Ciidamada Lagu Tababaro Ka Furtay Baydhabo
June 11, 2019 - Written by admin

Baydhaba(Berberatoday.com)-Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Soomaaliya, Xassan Cali Maxamed, afhayeenka maamulka Koonfur galbeed, Abdulqaadir Shariif Sheekhuna iyo agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Richard Moore, ayaa maanta xariga ka jaray xarun lagu tababarayo ciidamada qaranka oo laga sameeyay magaalada Baydhabo.

Xarunta tababarka ciidamada ammaanka, oo ay qarash gelisay waaxda ka hortagga qilaafaadka ee dalka Ingiriiska iyo lacagaha nabadgelyada iyo ammaanka (CSSF) ayaa ciidamada Qaranka Soomaaliya ka taageereysa hormarinta howlaha ammaanka iyo nabadgelyada.

Xarunta cusub ayaa lagu tababari doonaa 120 askari.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender, oo ka hadlayay xafladdii furitaanka ayaa yiri:

“Uk waxay kamid tahay xubnaha ugu muhiimsan ee beesha caalamiga ee diyaarka u ah inay caawiyaan ciidanka Qaran ee Soomaaliya. Waxaan ka qayb qaadanaynaa caawinta.”

“Baydhabo ciidamada Soomaaliya ee aan taageerayno waxa ay dhisayeen difaac ay ku sugayaan ammaanka magaalada. Taasi ayaana cadaynaysa saamaynta ammaanka magaalada iyo nawaaxigeeda.”

“Ciidamada Qaranka waxa ka go’an inay ka qayb qaatan tababarrada, ayna noqdaan kuwo xirfad leh. Waxaa naga go’an inaan xoojinno wada shaqaynta si aan Soomaaliya uga caawinno hormarinta ammaanka.”

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa isagana yidhi: “Ammaanka iyo nabadgelyada waa arrin muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya. Al Shabaab ayaa carqaladayn ku haysa ammaanka dalka, in la taageero ciidamada qaran waa muhiim. Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dowladda Ingiriiska oo si joogto ah u taageerta ama u caawisa Soomaaliya. Ciidamada Qaranka waxaa u yaalla door muhiim ah oo ah inay ammaanka dalka sugaan”. 

Saraakiil u dhashay Ingiriiska ayaa tababar siinayey ciidamada Soomaaliya tan iyo 2017-dii.” Ayuu yiri Wasiirka difaaca dalka Soomaaliya, Xassan Cali Moxamed.

Xigasho Bbc Somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews