berberatoday.com
Hadal-haynta maalmahan ! Handaraabku ma Saameeyey Xilka degihii xurmeysnaa, Xil-sugihii Xamuurnaa iyo jinni boqoradii ? qalinkii A/rahman fidhinle UK
June 14, 2019 - Written by admin
Dhaqanadii mugdiga huwanaa ee ay adeegsan jirtay xukuumadii galbatay ee Kulmiye  waxay burburisay hanaankii iyo haykalkii dawladnimo,Waxaana ay mujtamaca reer Somaliland ka dhaxleen nidaamkaa musuqa badnaa ee dalka lagu boobay  erayo madhan oo aan mariibneyn oo aan macne badan laheyn kuwaas oo maaxdumiyey milgihii iyo magacsamaantii dawladnimo. Waxaa erayadaasi baabiiyeen dhaqankeenii, diinteenii iyo hidaheenii suubanaa. Waxay erayadani god madow ku rideen curfigii iyo dhaqankii qaranimo, waxaana  ay erayadani magac iyo maamuus u yeeleen shaqsiyaad aan qarankan u dheelman,u dhaamin , una dhurin , waxaan ka mid ah erayadaa kuwan hoose:

1– Xil-ka dege xurmaysan-  Waa shaqsi  la casilay oo hadana shakaalan kaas oo sife siyaasadeysan looga xanibay in uu hankiisa muujiyo oo xisbiyada kale ku biiro amaba fikirkiisa u holado oo xor u ahaado. Marna maaha sunaha dawladnimo iyo hab-dhaqan maamul in masuul xilkiisii ka soo bixi waayey oo shaqadii laga fadhiisiyey in hadana la sii guneeyo oo lasii faruur xidho si kooraan beeleedka loogu buuxsado oo uu xayndaabka madaxtooyada u sii mayracdo laguna sii masruufo cashuurtii yareyd ee ummadda baahan wax loogu qaban lahaa. Saaxiibkay Raage Kuy’e “Waxaan la yaabay sababta shaqsi guul daro laf jebisay ay qoobabka uga sii xidhayaan ee ay ugu diidayaan in uu isaga daaq tago”! Waxaa la soo weriyey in handaraabkii saameyey oo ay qaar badani luqunta la noqdeen markii laga maarmay.
2- Xil-Suge Xamuuran : ” Waar Ileen cibaaro waa cabdoo kale eh” Xil-sugahani  waa bararafle sida xaydho weyntu dabka ugu meeraysato madaxda dawlada ugu meeraysta. Waa been liqsiiye, dhegta wax u saar, ku tise ah. marka uu madaxtooyada galo waxaa loo yaqaanaa ka qosliye kambal daaq ah.Wuxuu adoonkani aaminsan yahay in aqoonta wax lagu dhaco oo lagu boobo , wuxuu aamin san yahay jeegaanta iyo jifooyinka is xulafeystay.Wuxuu ku caan baxay xanshashaqa iyo  xabkaysi, waxaana uu ubiyeystaa guulwadeyn aan gabasho iyo garaad badan ku fadhiyin.  Taloow  xukuumada Kulmiye  Xilsugahan xamuuran ma ka maarmi kartaa ? Aboowe……. idinka lee waaye !
3– Xildhibaan boqran:  Waa mooshin quute dhaameelyahan indho yuub ah, kaas oo ah xil ma dhaad xilkii loo dhaariyey aan isku xeerin oo aan isku xakameyn laakiin xaalkiisu uu noqday hanti urursi iyo hunguri dhaqaale, kaa soo ku caan ah in uu isaga dab-qaado mooshinada goleyaasha sharci dejinta iyo xayndaabka madaxtooyada si uu dha-dhamo kasta uu dheecaan yar usiisto. inta uu mar mar yara selelo habeenkii oo uu il isku qabto ayuu sanqadha Zaadka dhegaystaa. Waxaa la soo weriyey in ay ku qadeen xukuumadan hada talada haysa, waxaan ku leeyahay Xildhibaankaas ” Ha salaaxin Naas gudhan ninkii Gudhiyey baad tahaye … “.
 
4– Jini Boqor- isku sheega maal-gashade  :  Hada waa keligii noole ” Empathy ah ” wuxuu u tafo xaytay sife kasta oo uu hantida maguuraanka ah ee ummadda baahan uu u boobi lahaa , wuxuu aad u yaqaanaa surimada looga arooro madaxtooyada,wuxuu caweyskii gucleeyaa oo isha mariyaa surimada banaan ee wadooyinka iyo wajahadaha Guryaha dawlada, kama fekero cida markaa goobtaa hungurigu ka galay degan , dana kama galo danta guud ee loo isticmaalo goobtaa uu calmaday ee uu cumaamada dhigtay, isaga waxaa u cad in uu ku macaasho kana macaasho oo uu raamsado. Kaas oo ku hadaaqa waxaan ahay Maalgashade ! ” Doobir baa lagaa yidhi !  Kuwan weli handaraabku muu buu saameyn, laakiin waxay bilaabeen in ay xafladaha iyo khashaafadaha ka yara muquurtaan.
5- Xigto Maal.  magacan looguma wanqalin ee waa loo qariyaaSidaad ogtihiinba waxay  Xukuumadii hore ee Deman la kowsatay in ay isku khalado qoysnimada iyo qaranimada Somalilaan taas oo indhaha shacabku wada arkeen fashilaada qaawan ee dul hoganaysa xayndaabkii  madaxtooyada ay ka talin jireen iyada oo la wada daalacday shaqsiyaad dhowr ah oo tuuro iyo tarbiicooyin yar yar isu yeelaaya, kuwaas oo ku xagafsaday magaca iyo milgaha dawladnimo, waxaana ay ka jilaaban jireen oo dabino daadsan jireen goobaha dalka ugu muhiimsan sida mashaariicda Hayaduhu bixiyaan iyo Dekeda Berbera. Talow kuwan handaraabkii  ma saameeyey ? Mise weli xaalkoodu  waa aan ka fudee ….Allow fii haa… Allow fii haa… !
6-  Laqeybsade : Waa af-lameer dibno leef ah , Waxaa xukuumadii hore ee Kulmiye badka soo dhigtay in Hantidii guurtada iyo maguuraanka aheyd ee  qaranka si dadban oo musuq ah loogu  qaybsado sifeyaal gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah  iyada la isticmaalayo shaqsiyaad darban oo dalabka ku shaqeeya, qaar dhabarka la soo taabtay iyo shirkado sameys ah oo dhawaan dhalad ah si loo biyo dhiijiyo loona xaalufiyo oo sheerer weligood Jira loogu galo johoradii  ummaddu  wada lahayd. Kuwan weli handaraabku muu saameyn waxaana lagu dabo jiraa mashaariicda la siiyey ee aan la naadin loona tartamin intii madaxweyne MBA uu madaxweynaha ka ahaa JSL.
7- Ku-qabsade : Waa haanraawe himiladiisa iyo hankiisuba yahay maalin raamsi,  Maadaama aan dhamaan hatidii maguuraanka aheyd ee la wareejiyey aan xeerar dastuuri ah lagu wareejin, tartan qandaraasna aan la marin ee lagu wareejiyey shirkado  macaash doon ah iyo shaqsiyaad maquuno doon ah. Ku-qabsade waa sal-madhige  goob kasta oo hanti dawladeed lagu wareejinaayo daaha dabadiisa ka soo gala oo noqda Ku-qabsade La qaybsaday, wuxuu ku xeebo-cadeeyey musuq maasuqa biyo dhiiijiyey hantidii ummaddu wada laheyd.Waxaa la soo weriyey in ku Qabsade uu handaraabku saameeyey oo uu ku qaday xukuumada muse, Waxaana uu hada ka xanaaqaa heestii uu ku jiboon jiray ee uu madaxa u ruxi jirey  ee aheyd .Dalkeena … Dalkeena Nimcaa…. fadhida ….Dalkeena …. nimcaa fadhida….!
.
8- Weji-Kumacaash-  Waa Awr kiraale ay masuuliyiintii xukuumadii hore ee Kulmiye  abaabuli jireen marka ay duufaanadu ku kacaan , kuwaas oo hadalo iyo hawraaro deyro iyo quus hagoogan kaga hugmi jiray oo kaga hadaaqi jirey mikirifoonada  warbaahinta la iska maqlo iyo kuwa layska arkaba. Waxaa laga dhawaajiyey in kuwan qaar ka mid ahi  ay Salaadiin iyo Boqoro sheeg taan ku waas oo badankoodii hada laga maarmay oo uu si xun u saameeyey Handaraabkii  waxaana qaarkood Maanta soo  kada loobsadeen baraha bulshada oo Face-boog ugu horeeyo. qaarna shirbeeleedyo ay dha-dhamo ku raadinayaan ayey utafo xayteen…Dab liqa ayaa laydinka yidhi !!
      .
 Waxaan la yaabay Nidaamkii Noocaas ahaa ee Magacyada iyo Naaneysaha badan la baxay waxa loo ridi waayey ee madanaha loogu cadeyn waayey ee dabka loogu gelin waayey maantana wuxuu xaalku ku soo ururay ”  Demman Hayska hurudee…… Docda Bari ka laba gura…. “”
 
Afeef : “Qormadani waa aniga rayigayga shaqsiga ah , Waana laygu diidi karaa, Lagana doodi karaa, layguna garaabi karaa.”
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews