berberatoday.com
Magaala-xeebeedka Berbera oo waqtigan maraysa kuleylkii xagaaga W/Q Maxamed Saleebaan yassin Deer
June 16, 2019 - Written by admin

Maantana sare u fantay derejada xaraaradda 45degree. Waxa bilahan adkaada nolosha caadiga ah ee shacabweynuhu ay ku qabaan Berbera, waxaana taa ka dhasha in meel walba ay AC raadayso; haba ugu sii darnaadaan goobaha adeegga ganacsi siiya bulshada.

Haddaan si gaar ah ugu sii aadego, baraha caafimaad ee Farmasiiyadu, waxa isku mar ay kala kulmayaan kulaylka xad dhaafka ah ee sare u sii socda iyo adayga helitaanka laydh ku filan, laydhkaasoo u sahlaya inay isticmaalaan agabka qaboojiyayaasha. Waana arrin aad iyo aad ugu mihiim ah bulshada Berbera in goobaha daryeelka caafimaad bixiyaa ay helaan laydh ku filan oo u dhammaystira dhammaan adeegyada ag bixinayaan ka sokowna ilaalinta dawooyinku in loo helo qaboojiyayaal lagu daryeelo goobaha ay yaalaan.

Haddaba talo yar baan hayaa oo aan jeclaystay inaan idinla wadaago. Sida aynnu ka warqabno waxaa Berbera ku sugan shirkaddan weyn ee dekedda gacanta ku haysa. Iyadoo loo marayo nidaam maamul iyo sifo sharciyeysan, waxa laga dalbanlahaa DP WORLD inay gacan waafi ah ka geysato sidii looga heli lahaa qalabka qaboojiyayaasha, kuwaasoo farmasiiyada Berbera iyo dhammaan goobaha caafimaad ee u adeega bulshada loogu deeqayo. Kama badna Xarumaha Farmasiiyada ku yaala Berberi 20 xarumood. Haddii haddaba shirkadda DP WORLD lagu guulaysto in ay bixiso qalabkaas qaboojiyayaasha ah oo loo qaybiyo Farmasiiyada, waxaa sidoo kale in loo hawlgalo ay tahay shirkadda bixisa laydhka oo halkii YUNIT (Unit) u xisaabin lahayd (0.1) oo ah qiimo jaban ka ay caadiyan ku xisaabtanto Shirkaddu. Labadaas waxqabad ee lagu taageerayo xarumaha Farmasiiyada ahi waxay baahi weyn ka tari lahayd habsami u socodka shaqo ee Farmasiiyadu ay u hayaan bulshada Berbera iyo nawaaxigeeda ba. Taladaasi, haddii ay meel dheer ku dhacayso, waan jeclaa in xarumahaas Farmasiiyada ee adeegga Caafimaad bixiyaa labadaas meelood laga taakuleeyo, taasoo maamulka Gobolka iyo ka Dawladda Hoose na u noqonlahaa waxqabad lagu diirsado oo ay la garab istaageen bulshadii.

Maxamed Saleebaan yassin Deer Berbera

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews