berberatoday.com
Xukuumadda Oo Sheegtay In Aanu Madaxweynuhu Socdaal Ku Tagi Doonin Sweden
June 16, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berbgeratoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay, waxba kama jiraana ku tilmaamantay socdaalka la sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagaayo Dalka Sweden.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyeyWargeyska Geeska Afrika,ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Calaamka, iyo kala duwanaasha Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay socdaalka Madaxweynaha ee dalka Sweden “Socdaal hadda uu Madaxweynuhu ku tagaayo dalka Sweden ma jirto, Dalka Sweden iyo dalka kaleba Madaxweynuhu uu tagi karaa, marti qaadna uu ku tagi karaa, xidhiidhka wacan ee inaga dhexeeya uu ku tagi kara hadba dalka aynu danteena moodno, laakiin socdaal rasmiya oo hadda jira oo uu Madaxweynuhu ugu baxayo Sweden ma jiro”.

Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo kala duwanaasha Somaliland ayaa yidhi “Xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya Wadamada kale duwan ee Calaamka, ha noqdaan Wadamada jaarka iyo Wadamada kale ee Caalamkaba, waxaana jecel nahay mar walba in aanu hagaajino xidhiidhka inaga dhexeeya Caalamka, dhab ahaana Caalamka wuxuu aad ugu bogay heerka aynu ka gaadhnay dhismaheena Dawladnimo, Dimuqraadiyada Doorashooyinka iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta”.

Mar uu ka hadlaayey kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waa dal madax banaan, oo nidaamkiisa Dawladnimo u dhan yahay, waxaana dalka ka Madaxweynaha Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweyne si xor iyo xalaal ah loo doortay, oo Shacabkiisu u doorteen, waana Madaxweyne diyaar u ah inuu qarankiisa wax walba u qabto, Somaliland waa dal leh Madaxweyne, Golayaasha kala duwan ee Dawladnimada, Ciidan, Calan iyo Lacag u gaar ah, shuruud kasta oo aqoonsiga inagaga xidhana weynu buuxinay, halka Somaliya aynu ognahay qaabka loo doorto Madaxweynaha hadba ka taliya, markaas Maamulka Somaliya waxaanu leenahay isku xaalad iyo isku heer ma joogno, ha isku kaaya mashquulina, maxaa yeelay hadafka shacabkaygu waa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, Xukuumad ahaana dadaalkeedii waanu wadnaa, ee Maamulka Somaliya waxaanu leenahay idinku dalkiina hagaajista, waxbana nagu yeeli maysaan xaasidnimo iyo wax la mid ah ee jaarnimadu ha inaga dhexeeyso, oo aynu ahaano laba dal oo jaar ah,Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay mar walba muujiya qadiyadiina, iyo qaranimadiina”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews