Magaalada Labaad Ee Ugu Dadka Badan Ingiriiska Oo Aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland
July 9, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay guul kale oo diblomaasiyadeed,
kadib markii Golaha Deegaanka Birmingham oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan Ingiriisku ay ku shaaciyeen maanta inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.
Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Somaliland ee UK oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo turjuntay, kaasi oo u qornaa sidan:-
“Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ayaa munaasibad ay maanta qabteen waxay ku dhawaaqeen inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.