berberatoday.com
Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed Madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Oo Riyo Isku Wareystay Iyo Tix Gabaya Oo Laysugu Jawaabay Akhriso”
July 21, 2019 - Written by admin

Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed Madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Oo Riyo Isku Wareystay Iyo Tix Gabaya Oo Laysugu Jawaabay Akhriso”

Riyaan ku arkay odaygii cigaal ina abiiboowe “

Wuxuu yidhi ilaahay dartii ololahaan qaaday “

Ummaddaan isugu yeedhayiyo beelahaa ururshay “

Amnigaan sugiyo dawladdaan udubada u taagay “

Kursigaan shacbiga ii igmaday ugu adeegaayay “

Weligay ujeeddiyo dangaar eex kamaan taline “
Ubadkayga kama biilin iyo ooryo ii dhaxaye “

Xilalkii awooddaa lahaa ehelkay maan siine “

Inantayda iyo wiilka qaba lama aqoonayne “

Iskaa daa’ anfaaciyo inaan oon ka raadsado “

Adduunkaygii baan geliyay iyo aqalladaydiiye “
Albaab kalama hadhin maal wixii aabbahay dhaqaye “

Waataan dalkiyo aawadii iib u faasaxaye “

Waxa udaha la iskaga tiraa ulaha ta u dheere “

Weligay ammaaniyo ma cunin shilin agoomeede “

Anigoo sidii ka ahna waa la iga oofsadaye “

Hayeeshee ixsaankii badnaa helay abaalkiiye “
Inshaa allaahu aakhiro janaa lay agaasimaye “

Guuleed arrimimihii dalkiyo idil ahaan geeska “
Waxa aa ku eeddoontihin waan u oon qabaye “
Bal ilaahay idankii warbixin iigu soo ururi “

Waxaan idhi ishii nabaddu wey noo irmaantahaye “

Marmarbay utini ceel afweyn naga asiibtaaye “
Intaa kale inkaar iyo ma taal aafo godobeede “
Dabadaa amrane daahir iyo odaygi siilaanyo “

Labaduba itoolkooda weyna intifaaceene “

Maantana arboow muuse wuu noo arrimiyaaye “

Waxse loo ammaan badinayaa dawladii udube “

Ictiraafna waan raadinaa weli alaankaase “

Ingirisna wuu nagu sabaa alalag tiisiiye “

Muqdishana dabkii ololay wuu oogmayaa weliye “
Itoobiyana weys haysataa oromo loo dhiibye “

Ismaaciilna waxa noo beddelay eerateriyaane “
Carabtana imaaraad beryahan waan ar aragnaaye “
Iyaguna danbaa naga urtee nama agjoogeene “

Wuxuu yidhi………. la soco.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews