Siciid Sheekeyaw dacawo meeshay macal uga bartay ayay macaluul ugu bakhtidaa”Cadaawe Cali Faarax London Uk
July 22, 2019 - Written by admin
Markii aan akhriyay qoraalka uu soo malmaluuqay ninka sheegtay Suxufiga ee Siciid Sheekeeye ayaan aad iyo aad uqoslay sababtoo ah Siciid Sheekeeye Lama Gudboonayn in isaga oo kale oo la ogaa musuqmaasuqii iyo gacan qabashadii uu kaga taajiray dawlada Axmed Siilanyo inuu cid kale oo Madaxweyne Muuse Biixi ugu horeeyo uu maanta dhaliilo.
Siciid Sheekeye waxa ku qoran qoraalkiisa uu kusoo gabagabeeyay isagoo leh”Ilaahayaw caadifaad qabiil naga ilaali, Ilaahayaw dawladnimo dhaba nasii.markuu sidaa leeyahay wuxuu ku dhaliilayaa oo eedo aanu shuqul kulahayn dusha usaarayaa Xukumada Maanta ee Madaxweyne Muuse Biixi isagoo ku eedeynaya in Muuse Biixi Degmada Gabiley uu kadhigay Darajada A halkana Degmada Caynabana uu C Ka Dhigay.