berberatoday.com
Natiijada Imtixaankii Dhalinyarada Shaqo Qaran Oo Si Hoose Loo Shaaciyay Shakhsiyaadka Ku Guulaystay Iyo Jaho Wareerka Boqolaal Kamida Ardaydii U Fadhiisatay!
August 21, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhawaan ayay ahayd markii 800Qof u fadhiisteen Imtixaan loo galayay Boosas shaqo oo shirkada Singaboor Selk Somaliland Uqaadanaysay Shaqaale Gaadhaya 400 kaasi oo galintaankiisii Ay soo baxeen Raadad shaki Musuq Maasuq Abuuray, kadib markii dhalinyaradii shaqo qaran oo madaxwaynuhu hore ushaaciyay in ay fursadaa shaqo gaar Utahay Dayarta barnaamijka shaqo Qaran!

Hadaba Natiijada dadkii ku guulaystay imtixaankaasi ayaa si hoose loo shaaciyay iyadoo qaarkood fariin loogu diray ah  in ay guulaysteen, iyadoon si caam ah  lasoo dhajinin natiijada guulaysatay iyo waxa ay keeneentoona!

Arintan ayaa dhanka kale  jaho wareer ku riday boqolaal kamid ah dhalinyaradii ufadhiisatay imtixaanka kuwaasi wali naawilaya rajo iyo in aanay wax farina helin kuwasi oo labadii cisho ee udanbeeyay ku xoonsan xafiiska badhasaabka gobolka maroodi jeex oo ay ka naawilayaan in ay ka heleen wax ay ku qancaan oo rasmi ah.

Sidoo kale waxaa gabi ahaanba Aan Xafiiskiisa kasoo xaadirin Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Mu,adinka,

Badhasaabka gobolka maroodi jeex oo wax laga waydiiyay waxa sobobay in si sharci loogu baahin waayo natiijada intixaanka iyo waxa dhalinyarada loo qanci waayay ayaa sheegay in uu ku hawlan yahay sidii loo heli lahaa agaasimaha barnaamijka shaqo qaran iyo masuuliyiinta shirkada iyadu qaadanaysay shaqaalaha balse ka maamul ahaan ay wali guda jiraan sidii talaabadaa wax looga qaban lahaa!

Dhanka kale wararka aanu ka helayno qaabka loo maamulay shaacin natiijada imtixaanka ayaa tibaaxay in tirada dhalinyarada barnaamijka shaqo qaran ee helay fariinta ah in ay ku guulaysteen intixaankii ay gaadhayso 120qof oo kali ah halka laga doonayay 400qof, mana cado sobobta keentay in masuuliyiinta ku shaqada lahaa qaadashada shaqalaahan iyo masuuliyiinta barnaamijka shaqo qaran ay sidan ugu maamuleen!

Dhalinyarada ku guulaysatay boosaska shaqaalaha shirkada singabuur ayaa lagu wargaliyay in ay soo qaataan baasaboorka somaliya taasi oo dhaawac kale ku ah shacabka somaliland iyo rajadii laga qabay shirkadan somaliland ka hirgalaynaysa warshadalagu sifeynayo shidaal iyo sobobta baasaboorka somaliland ay uqaadan wayday maadama  halka ay ka hawlgalaysaa ay tahay jamhuuriyada somaliland ee aanay ahayd somaliya!

Dhalinyarada ku guulaysatay imtixaanka ayaa wakhtigan ku hawlan sidii ay uheli lahaayeen baasaboorka somaliya oo shirkado gaar ahi sitoosa ugu bixiyaa gudaha caasimada hargaysa iyadoo hore xukuumadu u mamnuucday furitaanka xafiis bixiya baasaboorka somaliya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews