berberatoday.com
Xafiisyadii Wakiilada Shirkadaha Maraakiibta Koonteenarada Xambaara Ee Berbera Oo Gabi Ahaanba Albaabada Loo Xidhay Iyo Sababta Keentay
August 21, 2019 - Written by admin

Berbera(Berberatoday.com)-Gabi ahaanba waxa saaka albaabada loo xidhay xafiisyada Wakiilada Markiibta Koonteenarada Xambaara ee berbera ee loo yaqaanay (Shipping lines)  oo ah shirkado  isku xidha Somaliland iyo dunida inteeda kale,

xafiisyadan la xidhay ayaa waxay qaban jireen in wakiilo ka ahayeen markiibta dekeda berbera soo gaadhsiisa badeecada ku jirta kontiinarada ,

xafiisyadan la xidhay ayaa waxa sabab u ah wareegto ka soo baxay wasiirka wasaarada ganacsiga iyo wershaha Somaliland wareegtadaasi oo ku taariikhaysayd marka la gaadho

21 .8.2019 in wakiilada markiibtu tacriifadii hore ku shaqayn jireen ee loo yaqaan   Bill of loaning   oo qiimayow kala duwan ay ka qaadi jireen ganacsada alaabada u soo qaadan in wasiirka wasaarada ganacsiga iyo wershadaha uu tacriifadaasi wax ka bedel ku sameeyay amarna ku faray wakiilada markiibta in ay qaadan $85. Ganacsadaha ay alaabta u sidaan hadiiba loo sido ganacsadaha 100 kontiinar in laga qaado $85 kaliya  iyo hadii kale oo loo sido ka badan 500kontiinar in isna   laga qaado $85 kaliya  oo ah qiimo isku mid ah,  

waxa kale oo jira in wakiilada markiibta dekeda berbera iyaga dhinacooda ka doonayso lacago service ah ugu shaqayso lacago xad dhaaf ah sida 100kontiinar 40ft ah dekedu ay ka rabtaa $31,500 ( halka 100kontiinar 20ft ka rabto $ 21,000)

Arintan  ayaa markii  ay ka soo baxday  Xafiiska wasiirka Ganacsiga warshadaha Maxamed Iyo Dalxiiska Maxamed Xasan Sacad Saajin   waxa warbaahinta la hadlay wakiilada markiibta Koonteenarada Xambaara maamuladood oo si wada jira ah  u sheegay inay shirkadaha ay wakiilka ka yihiin iskaga bixinaynin qiimahan uu jaray wasiirka ganacsigu   ,    waxay ka  codsadeen in xaaladooda uu hoos u eego oo wadal hadal la sameeyo hadii ay yihiin wakiiladii markiibta ,Arintan qiimaha ku saabsana  daraasad rasmi ah laga sameeyo ,waliba iyagoo dhanka kale wasiirka u diray Ergooyin  badan oo ka hadlaaya in arintooda hoos loo eego ayaa wararka aanu ka helayno dhinaca wakiilada markiibtu sheegayaan  in wasiirku arintaasi ka gows adagay

 

Wakiilada Markiibta Koonteenarada Xambaara ee ka shaqeeya Kuxidhan Dekeda Berbera ayaa hore u sheegay in marka la gaadho 21.8.2019 hadii wasiirku xal ka keeni  waayo cabsahadooda inay albaabada uxidhayaan xafiisyadooda markiibtii kontinarada Somaliland alaabada keeni jireena in dekedaha jaarka ah ee jabtuuti iyo eletariya uwareejin doonaan.

  dekeda berbera ee Somaliland ayaa arintani khatar badan galin kartaa hadii  arintu sidaasi sii ahaato oo wax isku tanaasuli iman waayo dekeda berbera waxa soo gaadhi doona markiibta bagaashka sida oo kaliya.

Waxa Kaloo Laga yabaa in isku dhac uu ka dhex qarxo shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha Iyo Xukumada Somaliland ee Ka Kireysay Maadama oo Shirkada DP World Dekeda Berbera ukiraysatay inay ka dhigto Dekeda Koonteenar oo Wax kasta oo laga soo rogayo lagu soo rido Koonteenar oo qorsheheeda ay ku shaqaysaana yahay(Container Ports)

Geesta kala Hadii Shirkada Maraakiibta Koonteenarada Xambaaraa sidaa Kaga guuraan Dekeda Berbera Waxa la filayaa in Nitaakho baahsani soo gaadho horumarkii uu dalka somaliland iyo dekediisu hiigsanaayay ee ahaa inuu caalamka la jaan qaado maadama oo hada caalamku uguuray in badeecad kasta iyo qalab kasta oo la rarayo Koonteenar xafidan lagu rido.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Xafiisyadii Shanta Shirkadood Ee Maraakiibta Koonteenarada Xambaara Oo albaabadu Uxidhan Yihiin Saaka

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews