berberatoday.com
Horyaal TV: Dhimbiil Ayay Ku Ciyaarayaan, Dharkaynna Way Daaqayaan!W/Q Abwaan Siciid Maxamud Gahayr
September 3, 2019 - Written by admin

Horyaal TV: Dhimbiil ayay ku ciyaarayaan, dharkaynna way daaqayaan! W/Q Abwaan Siciid Maxamud Gahayr

Aniga oo baraad-la’ ayaan ku baraarugay qoraallo ay Facebook soo dhigeen Cabdixakiin CabdiXakiin Careef iyo Akram Cabdala oo ka digaya booshaaqa barnaamij foolxun oo ay hordhaciisa faafiyeen Horyaal TV. Xitaa waxa uu yahay halkan kama sheegi karo, se waa gef badheedha oo lala beegasanayo hablaha sharafta badan ee Somaliland, gaar ahaan kuwa Hargeysa.

Muuqaal aan jilihiisa la aqoon, codkiisana la dhalan rogay ma noqon karo wax run ah. Waa mid aan la garan karin cidda tebinaysa xogta indha-la’aanta ah. Lama aqoonsan karo goobta wax lagu duubay. Waxa aan cod dheer kaga digayaa in la faafiyo dhaqan-xumo aan sal iyo raad lahayn oo la ballanqaaday in 3da Sebtember 2019ka oo Arbaca soo gelayso la baahinayo.

Ma hal-abuur la’aan baa keentay? Ma hadaf kale ayaa ku dedan? Ma hanfadennimaa? Halka uu ku sal leeyahay ma fahmin, haddii la joojin waayana wixii ka dhasha waxa madaxa ku qaadi madaxda TVga, kuwa jilaya, kuwa tebinaya iyo kuwa tifaftira.

Horyaal TV waxa aan leeyahay ka jooga haadaanta aad isku maqiiqaysaan, ha noqonnina horseedka dhaqan-xumada, habluhu ma geyaan waxa aad malluuqdeen.. Haddii aad ku sii socotaanna waxba ha cid ha ka siinnina waxa aad ka heshaan!

W/Q Abwaan Siciid Maxamud Gahayr

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews