berberatoday.com
Waa gef sharci in Xarumaha Saxaafada albaabada loo laabo iyada oon laga garsoorin oo aanu xukun kama danbeys ahi ka soo bixin. qalikii A/rahman fidhinle UK.
September 8, 2019 - Written by admin

Saxaafadu Waxay duri kartaa oo qoraal ka diyaarin kartaa talaabo kasta oo ay ku kacaan hayad dawladeed ama Sarkaal qaran. Markaa hadii Sarkaal qaran oo wax laga qoray uu dacwoodo waa in uu sife sharciga saxaafada ee qaranka waafaqsan uu u dacwoodaa ee maaha in uu awooda dawlada albaabada ugu laabo meherad balaadhan oo ummad badani ka xoogsato. Amarka Xukuumadu dul dhigtay Shebekada Hadhwanaagnews iyo Xarunta Horyaal TV 24 wuxuu meel ka dhac ku yahay Xoriyada Saxaafada iyo Fikirka xorta ah waana aan Canbaareynayaa maadaama lagu xidhay awood dawladeed oo aan waafaqsaneyn nidaamkii sharciga ahaa.

Marka ay saxaafadi wax ka qorto sarkaal qaran ama uu TV war diinteeda iyo dhaqankeena aan waafaqsaneyn uu faafiyo, waa in mudnaanta kowaad la siiyaa madax-bannaanida saxaafadda mar kasta waayo shaqada saxaafadda waxaa ugu muhiimsan inay mar walba la socoto gol-daloolooyinka iyo shaqada dawladda. Saxaafadu waxay ka hadashaa wixii khaldan iyo wax kasta oo danta guud ee ummadda dhibaataynaaya sida dhaqan xumadda,musuq maasuqa iyo maal urursiga ragaadiyey qarankeena yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saaran . Sadexda waaxood ee qaranka JSL ka kooban yahay waxaa afar ku ah Saxaafada waayo Saxaafadu waxay ku hadashaa afka shacabka . Saxaafadu ma aha Meherad ganacsi oo qof gaar ah ku kooban maadaama ay mar walba ku foogan tahay war utebinta ummadda iyo wacyi gelinta dadaweynaha.

Saxaafaddu waxay ka faalloon kartaa talaabo kasta oo ay hay’addaha xukumaddu ku kacaan. Haddii sarkaal ama hay’ad dawladeed oo wax laga qoray ay soo dacwoodaan, waxaa wanaagsan in dacwad madani ah lagu dacweeyo saxaafadda kadibna laga garnaqo oo laga garsooro oo xukun kama danbeys ah laga soo saaro laakiin waxaa ilduuf sharci ah in awood dawladeed loo adeegsado oo albaabada loogu laabo. Hadii ay dhacdayba in sharafta qof Sarkaal ah lagu xadgudbay waxaa lagu xalin karaa arintaa dacwad madani ah ama anshax-marin. Kadibna, haddii saxaafadda lagu helo in war khaldan ay faafisay waxaa lagu xukumi karaa ganaax badan kaasi oo aan waxba yeelayn xorriyaddii saxaafadda isla markaana culays buuran uun saaraya saxaafaddii gefka ku kacday.

Sideedaba ma aha in laysku xidho qofka iyo mihnadiisa , mana aha in mar lawada xidho weriyihii khaladka loo tirinaayey iyo meheradii uu ka how-gelaayey oo aanu isagu mulkiyadeeda laheyn, ma aha in albaabada loo laabo iyada oo aaney maxkamadi xukumin meheradadii ummadda badani ka hawlgeleysay ee noloshoodu ku tiirsaneyd. Waxaa soo noq noqotay in xukuaamada maanta jirtaa ay Saxaafada xadgudubyo badan u geysato. Xukuumadu ma aha in ay Saxaafada kolba xeerka Ciqaabta ee ay doonaan u adeegsadaan iyaga oo la kaashanaaya Garsoorka iyo awood dawladeed. Xeerka Saxaafadu wuxuu qeexayaa in Saxaafada lagu ilaaliyo xuquuqda Dastuuriga ah ee rayi dhiibashada fikirka xorta ah si Saxaafadu u noqonto Saxaafad qaran oo qaan gaadh ah oo xor ah.

Waxaan mar labaad Xukuumada ku Canbaareynayaa in ay Hadhwanaagnews iyo Horyaal TV-ba Albaabada uwada laabtay iyada oo aan loo raacin anshax marinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa Saxaafada iyo Xeerarka iyo Xeegaanada madaniga ah ee dalka u yaala. Maanta isku xidhnaanshaha dadweynaha ( mass Communication ) Wuxuu ku soo ururay baraha bulshada oo keliya sidaa daraadeed Mareeg la xayiro iyo Xarun TV oo shaqada laga joojiyaa saameyn taban oo badan kuma yeelan karto shaqadii loo igmaday.

Allaa Mahad Leh-
Wa Billaahi Towfiiq.
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews