berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweyne Biixi Oo Saraakiil Ciidan Bilado Gudoonsiiyey+Sawiro
September 10, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada qaranka, kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey.

Munaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiisha katirsan ciidamada qaranka oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana madaxweynaha ku wehelinayey taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo afarta sarkaal ee la abaalmarinayey, waxana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay qaranka u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: 3 people, people standing

Taliyaha guud ee ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaadheen saraakiisha dhawaan qalin-jebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo in aqoontiisa la horumariyo.

Image may contain: 1 person, standing

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing
Image may contain: 1 person, standing
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 3 people

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews