Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Digniin Adag U Diray Madaxwaynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya
September 10, 2019 - Written by admin
Beledweyne(Berberatoday.com)-Ugaas Xassan Ugaas Khaaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed oo goor dha shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre in magaalada laga saaro ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ugaas Xassan oo ka hadlay xiisada iyo khilaafka ka dhashay ciidamo dowladdu qorsheysatay in laga qaado magaalada Beledweyne lana geeyo Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in marnaba aysan diidaneyn in ciidamo hubeysan laga qaado magaalada, dowladda – na u madaxbanaan tahay arintaa, balse marnaba la aqbali doonin sida uu hadalka u dhiggay in gaadiid lagu daabulo dhalinyan yaryar oo aan hubeys-nayn kuwaa oo uu tababar uga socday xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne.