berberatoday.com
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Digniin Adag U Diray Madaxwaynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya
September 10, 2019 - Written by admin

Beledweyne(Berberatoday.com)-Ugaas Xassan Ugaas Khaaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed oo goor dha shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre in magaalada laga saaro ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugaas Xassan oo ka hadlay xiisada iyo khilaafka ka dhashay ciidamo dowladdu qorsheysatay in laga qaado magaalada Beledweyne lana geeyo Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in marnaba aysan diidaneyn in ciidamo hubeysan laga qaado magaalada, dowladda – na u madaxbanaan tahay arintaa, balse marnaba la aqbali doonin sida uu hadalka u dhiggay in gaadiid lagu daabulo dhalinyan yaryar oo aan hubeys-nayn kuwaa oo uu tababar uga socday xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne.

”Waxaa ila soo hadlay oo xiriir ila soo sameeyay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga oo i weydiiyay su’aal aheyd sababta aan u diidnay ciidamada loo qaadayo Dhuusa-Mareeb, waxaan u sheegay in Annagu in aan wax cidan ah shaqo ku laheyn, laakiin waxa la diidayo yihiin in dhalinyaro yar yar oo aan hubeysneyn oo aan xitaa heysan agabkii ciidanka gaadiid lagu daabulo, odayaashu-na xaq ayeey u leeyihiin in ay arintaa is hortaagaan” ayuu yiri Ugaaska.

Ugaas Xassan oo soo hadal qaaday qorshaha isku dhafka ciidamada ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay in shaqsiyaad shalay shacab ahaa qaarkoodna ku lug lahaa dagaal beelleedyo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiraan hadda horkacayaan ciidamada magaalada ku sugan iyaga oo ah sida uu hadalka u yiri Jeneraallo.

”Dhawaan waad la soctaan deegaanka Banyaaleey ee gobolka Hiiraan dagaal ayaa ka dhacay….shaqsigii hoggaaminayay garab ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa hadda isaga oo Jeneraal ahmagaaalada sugan, wax la aqbali karo ma’aha arintaa, madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha waa in ay naga dulqaadaan ciidamadan ka yimid Dhuusa-Mareeb, haddii ay taa dhici weydo Ninba Nasiibkiisa ayuu qaadi doonaa” ayuu yiri Ugaas Xassan.

Shirka jaraa’id ee Ugaaska ayaa imanaya xili magaalada ay wali ka jirto khilaafka ka dhashay qaadista ciidamada, waxaana dhinaca kale soconaya kulamo ay leeyihiin saraakiisha qeybta 21aad iyo taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan oo looga arinsanayo arrimaha nabad-galyada iyo meelmarinta qorsha dowladda ee isku dhafka ciidamada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews