“ Iran Ayaa Ka Dambeysay Weeraradii Aramco…” Raysal Wasaaraha UK
September 23, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa Iran ku eedeeyey inay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee Sacuudiga, xilli uu kusii jeeday magaalada New York, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran.
“Waxaan kuu sheegi karaa in UK ay mas’uuliyadda weeraradii lagu Aramco dusha u saareyso Iran” ayuu yiri Boris Johnson oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Press Association.
Johnson ayaa la filayaa inuu Kulanka Guud ee QM ee New York kula kulmo madaxweyne Hassan Rouhani.