berberatoday.com
SHIMBIRAHA IYO DADKA KEE BAA GAR DARAN.W/Q YASSIN ISMAIL
September 27, 2019 - Written by Berbera Today

Coomaadayaal baa Caruur Laayay, Ma Cibaaro Hor Laa? Mise Waa Cidhibtii Camalkeena?

Shimbiraha ugaadhsada ee waawayn ee la isku yidhaa Vultures, ee ay la
Mid yihiin, coomaadaha, gorgorka, Sala Madhlaha, baaska, haad-ka-adagta, Guumaysta iwm waa shimbiro cajiib ah marka loo eego sida ay u dhaqmaan.
Waa shimbiro ugaadhsato ah Laakiin xishood badan. Shimbirahaasi waxay u kala goodhaan dhul aad u kala fog, Waa saaray xaga soorta oo qadhaab sare iyo qadhaab hoose, qadhaab badeed iyo buureed ba way cunaan.
Shimbirahaa dookh ahaan cuntadooda dabiiciga ah kuma jirto ugaadhsiga bini aadmiga.
Sida libaax badeedka ama shark gu maayo joogta uga mafsuud tahay inuu cuno ayuu baqayuhuna jecelyay inuu meel sare ka ugaadhsado.

Waa xayawaan dhiig kulul, waxaanu jecelyay xayawaanka dhiiga qabow. Sida xamaaratada, ama reptiles ka. Waana xayawaan cuntadiisa kala madhaxsada oo seasonal ah.

Taa macnaheedu waxa weeye, dhulka iyo bii’ada, iyo wax soo saarkeedu wuu u camiyanyay xilli kastana wuu ogyay halka qadhaabkiisu yaal.
Mar bad wayn buu tagaa Wuxuu ugaadhsadaa shimbiraha, mar wuxuu yaqaanaa geedi xiliyeedka kaluumka iyo meelahuu ku soo caaryo, waqti roobaadkana wuxuu u qadhaabsi yimaadaa dhul saraha ama oogada.
Waayo Waa waqtiga xamaaratadu godkeeda kasoo baxdo.
Wuxuu u baxaa hawada sare oo uu ku laydhsadaa.
U fiirso had iyo jeer marka hawadu taagantay dalkeena, ee noolaha kale hadh galo cirka sare waxaa heehaaba haadka oo gliding sameeya. Wuxuu ku duulaa thermal air pockets ama guntin guntin hawo diiran si aanu wax tacab ah u samayn.
Laba sababood bay sidan ugu dhaqmaan haadkaydu ama vultures ku.
Mida koowaad Waa iyagoo ah xayawaan aan kulalylka u dul qaadan karin markaa hawada sare ayay u duulaan.
Mida labaadna waxa weeye waxtiyadaa aynu u naqaano samada ama kaliisha temperature ka ayaa is bedela dhulkana hawo Ma jirto. Taasi waxay keentaa in xayaanada subterranean ka loo yaqaan ama dhulka hoostiisa ku nooli ay godkooda kasoo baxaan.
Haadka hawada sare heehaabaya wuxuu dhulka ku hayaa waqtigaa il qoodha, waxaana maskaxdiisa ku program garayska in xiligu yahay xiligii xayawaanada dhulka hoostiisa ku nooli soo laydhsi tegayeen.

Sidoo kale haadku ama vultures ku way sii kala baxaan. Qaar way xarago badan yiin xaga oomatada oo waxay cunaan uun hilib daray ah, qaarna Waa saqajaamiin oo maydka noolaha ayay cunaan.
Kuwa xaragada ka leh xaga cuntada Waxaa ka mid ah Eagle ka ama gorgorka, baaska ama haad ka adagta, salamadhlaha iwm.
Kuwa saqajaamiinta ahna waxaana mid ah xuunshada, coomaadaha, geel-toosiyaha iwm.

Kuwa saqajaamiinta ahi waxay ku bataan deegaanka marka colaadi dhacdo ee maydka aan la aasin ama raq xoolaad meelahaa daadsantay.
Waxaa la arkaa seben colaadeed, seben abaareed iyo waxaan anigu u bixiyay seben ciladeed.
Seben ciladeed Waa xilli duruufo dad keen ahi ay bedelaan dabeecada, sida dhirta la gooyo, dhulka la gubo oo gabaadkii noolaha hoose la bara bixiyo. Ama nadaafad xumo iyo kharib lagu sameeyo bii’ada oo xayawaanadii bii’adadu taageeri lahayd meesha uga baxdo sababo aadmi samee ah.

Hadmuu haadka xaragoodaa u hamuumaa hilib dad?
Sidaan hore u sheegay, sharks ma jecla hilibkeena. Mar kasta oo aduunka uu ka dhaco shark attack ama libaax badeed dad weeraray oo cunay culimada sayniska ee xayawaanka deristaa waxay is waydiiyaan maxay sidaasi u dhacday. Iyagoo baadhaya Waa maxay diiqada uu dareemay libaax badeedku?

Sidaas oo kale ayaa mudan in la is waydiiyo Waa maxay diiqada uu dareemay haadka caruurta cunayaa?

Aniga jawaabtaydu Waa sidan.

Ugu horayn Waan ka xumahay dadka ku waxyeeloobay dhacdooyinkan laga soo sheegaayo deegaanada qaar ee la sheegaayo in dad ku wax yeeloobeen weeraro kaga yimid shimbiro.

Waxaan ugu horayn ka digayaa in colaad loo qaado shimbiraha.
Waxaa kale oo aan dadka iyo dawlada iyo wasaaradaha deegaanka xusuusinayaa inay illaaliyaan shimbiraha guud ahaan.

Aan u imaado sababta keentay in arintani aanay ahayn wax lala yaabo.
Si kale hadaan u idhaahdo in aynu inagu ka gardaranay shimbirahaa.

1. Dhacdadani waxay ku beegantay xili kaliil ah. Waa September oo Jiilaal hortii ahaan lahayd. Mushkuladu waxa weeye Waa xiligii haadu qadhaabsanaysay ee bahal hoose godkiisa kasoo bixi lahaa, balse barwaaqada awgeed dhulkii xareedi jiifto bahal hoosena aanu godkiisii kasoo bixin oo uu qabowsaday.
Haad dheertu warkaa Ma haysee wixii milicda dhaqaaqa waxay u haystaan xamaaratee caruurta bacadka ka xareeya.

Waayo, haduu mulucu, qulka, maska, musa-cagalaydu soo bixi waydo xiligii uu yaqaanay isagu wixii dhaqaaqa ayuu weerarayaa.

Arinta kale wax weeye, dhirtii waynu gubnay, xayawaankii waynu laynay, imika qaar baan arkaayay weerar ku qaadaya shimbirihii quruxda badnaa.

Walaalayaal xikmad yeesha oo yaan shimbiraha wax dhibaato ah loo gaysanin inaga ka gardarane.

Waan mahadsantiin.

Yassin Ismail

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews