berberatoday.com
Waa fursad muhiim u ah Xisbiyadda Mucaaradka iyo Ummaddu ku difaacayan Sharafta Qaranka iyo qiimaheedda ka dhii damac –jaban ee Kaligii taliyaha Djabuuti iyo daaqudyadiisa ?Abokor I Mohamud.
October 5, 2019 - Written by Berbera Today

Waa fursad muhiim u ah Xisbiyadda Mucaaradka iyo Ummaddu ku difaacayan Sharafta Qaranka iyo qiimaheedda ka dhii  damac –jaban ee Kaligii taliyaha Djabuuti iyo daaqudyadiisa ?

Waa foolxumo weyn ina dul-hoganaysa waxa ku dhaqaaqay Basaska Ismàciil Cumar Geelle ee Hargeysa xarunta tahay.

.

Nin ku yidhi sinnaan maynno,
Adna buri sarrayntiisa;
sidka waa wadaagtaane,
ma sagaashan baa tiisu!

Nin ku siray ha faallaynin,
sababana ha weydiinnin,
ha u seeta dheeraynin,
hana sidin culayskiisa,
siriq iyo ku qabo baydo,
hana falin siduu yeelay.

Mohamed Ibraahim (Hadrwaawi)

 

Waxa waajib ah in  Ummaddu Jamhuriyadda Somaliland ,qadiyad ficil oo waliba gacan ah lagu dhaqaaqo ,waayo Xukumadu ayada la socota balse Ummaddu kulama socoto manna doonayso dulinimadda iydda ah. Iyaddunna wax aad u quman oo  aargoosi noqon karta ayadoo la soo dhaweeyo dhamaan qof kast iyo cid kasta oo ka soo horjeedda kaligi taliye Ismaaciil cumar geelle   siddana ay jamhuuriyadda  Somaliland xarun u noqoto  dhaq-dhaqayada isbedeldoonka ee Djbuuti . waa ognahay ma heyn karayo  assago bisad ka yar ayuu wax kasta  danta jamhuriyada Somaliland si  sandulle dib uga guranaya wanaag iyo nabad  ogolaanay  hasa yeeshe waxa loo bahan yahay ma nahay kuwo taa ku dhaqaaqaya oo sidda ku cad goosanaya qof kast indho cadow inaggu eeg .

.

Runtii waxa la eegan karro ma ah in Xisbiyadii Qaranka Caasimadii Dalka looga dhexe-hanjabbo waliba Tvgii Qaranka ku magaacaban lagga sii da,aayo oo macnaheedu ahaa Xukimadu kulama socoto waxa Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka ee UCID yidhi waakanna oo daacad iyo Dad aad leedahay ayaanu kuu nahay Ismaaciil Cumar Geellow.

.

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay sidda wanaagsan ee faah fahsan ee Xoog-Hayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID sidda waafigaha u bal-baladhiyey dhibaatooyinka iyo dibin daabyoyinka dhuun-doonka iyo dhadhamo raacyadda iyo Basasinta khaaska Ismàciil Cumar Geelle doonayan inay ku mijo-xaabiyaan Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummadda.

.

Ismaaciil Cumar Geelle waa cadowga koobaad ee Jamhuuriyada Somaliland caydiga taa og, waxa malo-awaalayo ma ah amma la iska odhanaayo. Sidda marka ay tahay Ummad ahaan Waa innagu waajib guud oo inoo gaar ah inaynu gudano waajibka isgga ah kanna soo baxno.

 

.

 

Waxa aad u jecelaan laha Mudaharad weyn oo si wanagsan loo soo ababulo in lagu qaado Xarunta Basaska Ismàciil Cumar Geelle ee Hargeysa ku taal iyaddo Gudoomiye Xusbiga iyo dhamaanba howl-wadeenadda laggu macsuumaayo si ay halka khudbado uga jeediyaan.

.

Waa ogsoonahay siddii foosha xumayd ee u galay Madaxweyne hore ahmed Maxamuud Siilaanyo , in kasto halkaa isagu is dhigay ay ku wacnayd sidda lama dafiraanka in la bahdilo , Maanta Madaxweyne joogga bahdil u hadhay ma jirro xaqiiqda indhaha lagama la liyaanka ah, haddii Tvgii Qaranka iyo Caasimadii Qaranka rukunaddii Qaranka lagga caayayo loogganna dhexe hanjabaayo.

.

Sidda oo kale waxa iyagga la gudboon inay ka aaraha dhiibtaan Xisbiga Wadani iyo hogaankiisu waayo waxa ku dhacay Gudoomiye Xusbiga kale Mucaaradka iyaganna waxay la mid tahay wax iyagga ku dhacay iyo Qaranka sidada awgeed ay la gudboona tahay inay ka hadlaan Foolxumo iyaddaha ah ee Maanta Qaranka dul-hogatay ee Xukumada Dalka hogaanka haysaan u cadeysa badheedhaheedda.

.

Xalada noocan oo kale ah marka Qaranka la soo gudboonaato waa Masuuliyada koobaad waxay saran tahay Mucaarad iyo Muxaafid ba, waxay waliba gaar hormuud ugu sii ahaanaya Xusbiyada Mucaarad ah oo halka Qadiaydooda Siyaasadeed si wanagsan oo waafi ah uga dhadhicinaya qof kasta oo muwaadin ah mid hore ula socday iyo mid aan hore ula socon xaladan faalenteedda iyo halka ay ka taagan yihiin iyaddaha ku soo xero-gashanayaan.

.

Mucaaradku waa indhaha iyo dhega si wanaagsan oo qiyaam ku dheehan yahay u furaan oo ka daa,iidaystaan furdaha dahabiga ah ee la soo gudboonaya ee dhacadan yaabkeeda iyo ammakageeda lihi ay kow tahay.

 

Fikrada xorta ah ee Muwaadinka

Abokor I Mohamud.

 

Waa Billahi Towfiiq.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews