berberatoday.com
Hargeysa: Carruur La Dayacay Oo La Soo Badbaadiyey Iyo Kuwo Ku Naf Waayey & Sababta Keentay
October 7, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada dab-damiska JSL ayaa hawlgaladii u danbeeyey ee ay ka fuliyeen Caasimada Dalka Somaliland ee Hargeysa waxay ku soo badbaadiyeen Ubad la sheegay in Waalidkood Guri dusha kaga Qufulay kadibna uu ka tegay iyo kuwo uu liqay Dhaam weyn oo ay biyo ka buuxaan.

Haddaba, Ciidanka Dab-damiska ayaa hawlgaladaasi fuliyey saacadihii u danbeeyey, sidaana waxa Idaacada VOA-da uga warramay Masuul sare oo ka tirsan Ciidanka Dab-damiska.

Ugu horreyna, Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland Mudane Cabdiqaadir X Cumar ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgal 24kii saacadood ee u danbeeyey ay ka fuliyeen Hargeysa oo uu ku naf waayey Wiil yar iyo sida ay meydkiisii ku heleen, waxaanu yidhi, “ALLE ha u naxariistee Wiil yar oo 13jir ilaa 14jir ah ayaa ku geeriyooday Dhaam ku yaalla Koonfurta Magaalada Hargeysa ee Masalaha, Wiilkaasi geeriyooday waxa uu dabbaal tegay halkaasi waxaana la socday Wiil kale oo badbaaday, sidaasi awgeed Dhaamkaasi biyo badan ayaa ku jira ma laha wax Xayndaab ah oo dhallinyarta u diidaya”.

Dhinaca kalena, Agaasimuhu Fulintu waxa kale oo uu sheegay in ay badbaadiyeen Carruur yar yar oo noloshoodu halis ku jirtay, “Waxa kale oo jira oo aan khasaare gaadhin ALLE mahadii laba Carruur ah oo inta lagu qufulay Guri uu Ciidanka Dab-damiska iyo dadka deriska la ah ayaa 48kii saacadood ee u danbeeyey uu ku soo samato bixiyey waana ILAAHAY fadligiisa”. Agaasimuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Waxa labadaasi Carruur ah la sammata bixiyey iyadoo Waalidkood ka maqan yahay, markaa taxadirka Ubadkeenu u baahan yahay in lagu barbaariyo waa in Waalidku uu Ubadka la sheekeysto oo loo sheego waxyaabaha ay halista ku geli karaan ee aanay aqoonta u laheyn iyo in xataa dayaca ka imman kara Guryaha oo run ahaantii markii ay noloshu ballaadhatay oo ay Aabihii iyo Hooyadii ba ay shaqo tegeen ama ay durruufo u baxeen oo keenaysa in Ubadkii Guryihii lagu sii qufulo ama aan laga war hayn meelaha ay Ubadkoodii ku maqan yihiin oo halis gelin karta”. Ayuu yidhi Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska ee JSL

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews