berberatoday.com
Dhakhtarkii Ka Caawiyay CIA-Da Inay Helaan Osama Binu Laden Oo La Maxkamadaynayo
October 9, 2019 - Written by Berbera Today

Karchi(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in ay billowdo dhageysiga racfaan la doonayo in xabsiga looga sii daayo dhakhtar ku eedeysan in Mareykanka uu ka caawiyay in uu dilo hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusama Bin Laden.

Maxkamadda sare Peshawar ayaa maanta dhageysan doonto dacwadda Shakil Afridi, waana markii ugu horreysay oo dacwaddaasi lagu dhageysan doono meel caadi ah oo dadka u furan.

Dhakhtarkaasi ayaanan waligii si rasmi ah dacwad loogu soo oogin doorkii uu ku lahaa hawlgalkii sanadkii 2011-kii lagu bartilmaameedsaday Bin Laden oo ahaa ninka aadka uu Mareykanka u doondoodnayay.

Dr Afridi ayaa waligii ku doodayay in loo diiday in uu helo caddaalad.

Xarigiisa ayaa waxaa ka dhashay muran weyn kaa oo sababay in Mareykanku uu kaalmadii dhaqaale ka jaro dalkaasi Pakistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2016 xilli uu ku jiray olalaha doorashada ballan qaaday in Dr Afridi la soo dayn doono laba daqiiqo gudahood haddii isaga la doorto, haseyeeshee taasi ayaanan wali dhicin.

In kastoo dhakhtarkaasi gudaha Mareykanka looga aqoonsan yahay halyay geesi ah, dadka reer Pakistan intooda badan waxay u arkaan khaa’in waji gebax ku riday dalkiisa. Ciidamada Mareykanka ayay u suurtagashay in ay yimaadaan gudaha dalka Pakistan oo ay dilaan Cusama Bin Laden oo waliba ay meydkiisa qaataan iyaga oo aan wax dhibaato ah arrintaasi kala kulmin.

Waxaa dilka Bin Laden ka dhashay su’aal ah milatariga dalkaasi Pakistan miyuu wax ka ogaa joogitaanka Bin Laden ee gudaha dalkaasi Pakistan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews