Hanti-Dhowrka Guud Ee Dawlada Xamar Oo Soo Bandhigay Musuq Maasuq Uu Madaxweyne Farmaajo Faraha Kula Jiro”Lacag Dhan $18,386,732 Ayaa Ka Maqan Qasnada Dowladda!
October 9, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin sanadeedka ee baarista Hey’adaha maaliyadda dowladda, waxaa warbixinta ku xusan malaayiin dollar oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sida loo isticmaalay.
Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda ayaa warbixin qoraal ah oo uu baahiyay ku faah faahiyay baarista uu ku sameeyay Hay’adaha Dowladda qaar dakhli uruuriyeen iyo deeqaha caalamiga ah, warbixibtan ayaa daaha ka rogtay musuq-maasuqa hey’adaha Dowladda, xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ayaa ku sheegay warbixintiisa in Wasaaradda Gaadiidka, Hey’adda dambi baarista (CID) iyo Jaamacadda Umadda dakhliga ay qabteen ay dib u isticmaaleen isla markaana aan la helin hab baaristu kusii socon karto.