berberatoday.com
Mallaayiin Qof Oo Oromo Ah Oo Isugu Soo Baxay Caasimada Dalka Itoobiya Ee Addis Ababa Si Ay ALLE Ugu Mahad Naqaan
October 9, 2019 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa, kuwaasoo marti gelineya markii ugu horreysay Ciida Oromoda ee sanadlaha ah ee ‘Mahad Naqa Eebe’ Oromada waa qowmiyadda ugu weyn dalka Itoobiya.

Ciiddan oo la yaqaanno Irreecha ayaa waxa qeyb ka ah jaritaanka cows iyo ubaxyo qoyan oo lagu daadiyo biyaha taasoo ka dhigan inay “ILLAAHAY ugu mahad celinayaan xilli roobaadka iyo billowga Gu’ga”.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo mallaayiin qof ay buux dhaafiyeen waddooyinka caasimadda Addis Ababa iyo fagaaraha caanka ah ee Meskel Square, waxaanay qaadayeen heeso dhaqameed, iyagoo ruxayey callanka Itoobiya iyo caleemo qoyan.

Mas’uuliyiinta magaalada ayaa sheegay inay filayeen toban milyan oo qof inay isku soo baxaan.

Wakhtiyadii hore, dabbaal-degga noocan ah wuxuu ka dhici jiray Bishoftu oo 40km u jirta Addis Ababa.

In dabbaal-deggan loo soo wareejiyay caasimadda oo deris la ah gobolka Oromada ayaa waxay dad badan u arkaan inay tahay aqoonsi ay dowladdu aqoonsatay dhaqankan. Sanado badan ayay Oromada ka sheeganeysay gacan biddixeyn dhinaca dhaqanka iyo siyaasadda ah.

Waxa la aaminsan yahay qowmiyadda oromodu ay gaadhayaan 40 milyan oo qof, taasoo u dhiganta 30% tirada shacabka Itoobiya.

Ciiddan ayaa u ah fursad ay dadka Oromada ah ku xidhaan dhar dhaqameedka, sidaasi awgeedna waxay qaarkood xidhan yihiin dhar laga sameeyay maqaarka daanyeerka, iyadoo kuusha ay dumarkan wejiyada ku xidhaan ayaa ah mid ay caan ku yihiin dumarka Oromada, waxaana xusid mudan inay dadkaasi ku jireen Laba nin oo ka soo safrey magaalada Bale ee koonfurta dalka oo caasimadda u jirta 400km si ay ciidda uga qeyb qaataan. Duubka madaxa ugu xidhan waxa la xidhaa marka ay jiraan xafladaha dabbaal-degga dhaqammada Oromada.

Sidoo kale, Haweeney ayaa waxay ka soo safartay gobolka Harrarghe, ee bariga Itoobiya. Dharka ay ku labbisan tahayna ayaa ahaa mid gobolkaasi aad looga isticmaalo.

Bulshooyin kale oo aan oromo ahayn ayaa sidoo kale dabaal-deggan ka qeyb qaatay.

Ra”iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu laftarkiisa ka soo jeedaa qowmiyadda Oromada, isbeddelo ballaadhan ayuu dalka ka hirgeliyay tan iyo markii uu xukunka la wareegay. Inkastoo dabbaal-daggan loo soo wareejiyay caasimadda markii ugu horreysay, haddana xukuumadda waxay wali la daala dhaceysaa loolan adag oo u dhexeeya qowmiyadaha dalkaasi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews