Magacyada Labada Xubnood Ee Madaxwayne Biixi Usoo Magacaabay Komishanka Doorashooyinka Oo Mid Kamid Ahi Xil Kasoo Qabtay Xukuumadii Axmed Siilaanyo!
October 12, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xulida xubnaha komishanka cusub ee Doorashooyinka somaliland ayaa maalmihii udanbeeyay waxay bulshada reer somaliland si wayn ula socdeen ogaanshana iyo sida ay usoo kala xulaan cida ay khusayso gudida doorashooyinka ee cusubi Kuwaasi oo ay hore usoo gudbiyeen Golaha guurtida labadoodii xubnood iyo xisbiyada mucaaridka oo xubin xubin soo magacaaba!
Madaxwaynaha Somalilad oo isagu leh magacaabista laba xubnood oo madaxwayne ahaan ugaara iyo xubinta xisbigiisa Umatalaysa komishanka oo wahtigan xulashadoodu ku dhow dahay gabo gabo iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la horkeeno golaha wakiilada somalland si ay u ansixiyaan, 7xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka,