berberatoday.com
“Qorshaha Waxqabad Ee Madaxweynaha Somaliland Waxa Kow Ka Ah In La Kobciyo Oo La Dhiso Dekedaha Somaliland”. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdiilahi,
October 15, 2019 - Written by Berbera Today

Saylac(Berberatoday.com)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdiilahi, oo ku sugan Magaalada Saylac, ayaa kormeer ku sameeyey Dekeda qadiimiga ah ee Saylac, iyadoo uu halkaa ku wehelinaayey Enjineer ku xeel-dheer dhismaha iyo qiimeynta Dekedaha iyo Maareeyaha Dekeda Saylac, waxanay waftigu soo indho-indheeyeen laamaha dawlada ee Magaalada Saylac.

Maareeyuhuu wuxuu sheegay inay muhiim tahay in dib-u-dhis balaadhin lagu sameeyo Dekeda Saylac, isla markaana loo doono cid inagala gacan-qabatay dhismaha Dekedan.ugu horeyn Maareeyaha Dekeda Saylac Siyaad Daahir Camuud, ayaa faahfaahiyey muhiimada ay qaranka Somaliland u leedahay in dal ahaan yeelato dekeda door ah, isaggoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, “Maareeye waxan kugu soo dhoweynayaa Dekedii qadiimiga ahayd ee Saylac, Dekedani waxay dhisnayd ilaa qarnigii 16-aad, waxanay quudin-jirtay geeska Africa, haseyeeshee Maanta waa dekeda ugu liidata, waayo ma haysato wixii adeeg ah ee ay dekedi lahayd, sidaas daraadeed mudane Maareeye dekedani waa deked muhiima, oo aad xukunto, waxananu kaa Codsanaynaa inaad wax qabadkeediina noo raacisaan, oo meeshaasi wajigaa ay leedahay mid ka bedelan ay yeelato, waxan qirayaa inaad tahay maareeyihii u horeeyey ee indhihiisa kusoo arka waxaan baahi-qabno, waxanad tahay Nin dhalinyaro ah, oo usoo jeeda dhismaha dekedaha dalkan, sidaad u horumarisay dekeda berbera tana nala horumari”.

Ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Saylac.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isagoo sheegay inay wax laga qaban-doono dekeda Saylac. Isaggoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, ” waxa ila socda Enjineerkii dhisay Dekeda Berbera, oo aanu doonaynaa inuu qiimeyn ku sammeeyo Dekedeenan Saylac, in la dhiso Dekadan Saylac waa Muhiim, baahida loo qabana way-weyn tahay, waayo waxa la doonaya inaynu quudino geeska Africa, inay dekeda beriberi yeelato dekeda-yaryar oo hoos-yimaada, isla markaana xilliyada saxmadii timaado lagu dhimo culayskeeda, oo lagu soo xidho doonyaha iyo maraakiibta. Umad ahaan markaynu oggaano waxaynu haysano ayeynu ayey dadkuna ina aaminayaan, booqasho kastoo naloogu yimaado, dekeda Berbera, taa labaad ee nala waydiiyaa waxa weeye Dekeda Saylac, oo warbixino nalaga qaado, qorshaha waxqabad ee Madaxweynaha Somaliland waxa Kow ka ah in la Kobciyo oo la dhiso Dekedaha Somaliland, safarkan aan ku immi saylacna ma noqon doono kii ugu horeeyey ee waanu soo noqon doonaa”. Ayuu yidhi Maareeye Siciid.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews