“Si kastaba, wax kasta oo qaldama Muuse ayaa 100% masuliyadeeda leh, sida uu hadii wax qabsoomaan ba 100% u sheegan lahaa. W/Q Maxamed Haruun Biixi
October 29, 2019 - Written by Berbera Today
Qaylada Somaliland ee maalmahan u dambeeyay wax ay u badnayd laba amuurood – gudigii doorashada oo in kasta oo dhawaan xal laga gaadhay, oo waliba sidii xukuumaddu rabtay, amaba Muuse uu rabay lala qaatay, hadana dib ugu noqotay eber. Qodobka labaad waa muranka dhulka geesta galbeed ee Hargeysa, halkaas oo dadwayne tiro badan iyo xubno Madaxwaynaha qoyskiisa ahi isku haystaan, iyada oo maxkamadi dhulkaas u xukuntay qaraabada Madaxwaynaha. Dabcan maxkamadaasi ma aha mid cadli ah, amuuraha Madaxtooyadu ay si gaar ah u danaynayso na si xaq ah ma uga gar sooraan maxkamaduhu oo waa la ogyahay. Al-muhim, labada amuurood ba waxa ay taswiir cad ka bixinayaan hogaaminta Muuse iyo sida uu u fikiraayo. Muuse waxaas dan ma ka laha, cidda ka sugaysa in u waxyaabaha qaarkood ka xishoodo oo odaynimo muujiyo na, sida muuqata si xun ayay ugu hungowday.
Laakiin aan ku celiyo midh aan hore u sheegay mar sii horaysay – Somaliland waxa ay ku daashay, oo xoog na uGu fashilantay amuurihii yaryaraa ee dhalin heer iskuul ahi si fudud u xalin lahayd, amuurihii waawaynaa na waa u yaaliin, sida muuqata na maba hadal hayaan. Si kastaba, wax kasta oo qaldama Muuse ayaa 100% masuliyadeeda leh, sida uu hadii wax qabsoomaan ba 100% u sheegan lahaa.