berberatoday.com
Gudoomiyaha Baarlamaanka Punthland Oo Ka Hadlay Weerar Dhacay Xarunta Golaha Iyo Eeda Uu Ujeediyay Xukuumada!
November 7, 2019 - Written by Berbera Today

Garowe(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha golaha baarlamaanka maamul goboleedka punthland ayaa ka hadlay weerar ka dhacay caawa xarunta baarlamaanka ee Garoowe kaasi oo sobobay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh

Gudoomiye cabdixakiim Maxamed Axmed ayaa xukuumada madaxwayne sicid deni ku eedeeyay weerarkan isagoo sheegay in wixii halkaa ka dhacay ay iyagu qaadayaan masuuliyadeed.

Qoraal uu kaga hadlayay dhacdadan caawa ka dhacay xarunta baarlamaanka ayaa wuxu ku baahiyay barta uu kuleeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

Anigoo ku hadlayaa magaceyga iyo magaca Golaha Shacabka e Dowlada puntland waxaan Dhamaan shacabweynaha Soomaaliyeed iyo kan puntlandba uga tacsiyeynayaa dhibaatada caawa ka dhacdey Xarunta Golaha Baarlamaanka dowlada puntland, ka dib markii xukuumadu weerar qaawan oo xaqdaraa kusoo qaadey xarunta Golaha kaasoo galaaftey nolosha dad rayid iyo askarba leh.

Madaxtooyada ayaa ciidankii loogu talo galey inay u adeegaan bulshadooda u adeegsatey iney ku weerarto kuna Leyso,taasi ayaa muujineysa in madaxtooyadu ka shaqaneyso Sharafdaro soo gaarta sumcada iyo sharafta dowlada puntland, iyadoo weerarkani muujinayo abaabul balaaran oo lagu afduubayo hanaanka wanaagsan ee uu shaqeynayo baalmaanka dowlada puntland lana Doonayo sidii xoog gacanta. Loogu dhigi lahaa xarunta uu ku shaqeeyo si looga dhigto meel wixii la rabo laga samaysan karo.

Ugu dambeyn waxaan Dadweynaha reer puntland u cadeynayaa in weerarkii caawa lagu soo qaadey xarunta baarlamaanka uu yahay dhaawac weyn oo soo gaarey Hab maamuuska caasimada iyo sharafkeediiba ayna mas uuliyada dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacneyba qaadanayaan cida ku tala gashey in xarunta Golaha ka sameyso rabshadaas amni soona handadey ilaaladii xarunta laheydna sababta khasaarahaas lixaadka leh.

 

Wabilaahi Towfiiq.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews