berberatoday.com
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Ka Hadlay Doorka Dalkiisa Ee Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya
November 7, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa ka hadlay doorka dalkiisa ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiir Mevlut Cavusoglu, oo Axadii hadal ka jeediyay shirka kooxda xidhiidhka Soomaaliya ee Ururka Islaamka oo Ku qabsoomay dalka Qatar, wuxuu si kooban u sheegay in Turkigu dalbaday inuu door fududayn iyo dhexdhexaadin ah ku yeesho wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, “Waxaanu dalbanay door fududayn iyo dhexdhexaadin ah oo ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah, wuxuuse hadalkisa raaciyay in doorashada Soomaaliya ee sannadka 2020 ay keeni doonto isbedel muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya.

Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa istaagay sannadkii 2015, ka dib markii uu dalka Turkiga ku burburay wada hadal u dhaxeeyay labada dawladood, wixii intaas ka dambeeyay ma jirin wada hadalo dambe oo rasmi ah oo dhex maray laba dawladood.

Turkiga ayaa  bishii December ee sannadkii hore ee 2018, wuxuu ergay cusub Danjire Dr. Olgan Bekar u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin marka laga reebo socdaalo uu ergaygaasi ku yimid Hargeysa iyo Muqdisho, ma jiraan wax guulo ah oo uu ka gaadhay dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews